Sign in to follow this  
Deeq A.

Dal ay Dadkiisa ku codeeyaan Kuul+Sababta 

Recommended Posts

Deeq A.   

Dal ay Dadkiisa ku codeeyaan Kuul+Sababta

.

Codbixintii ugu horreysay ee doorashada madaxtinimo ee dalka Gambia ayaa dadku codkooda ka dhibteen shaley tan iyo markii hoggaamiyihii hore, Yahya Jammeh, uu dalka ka cararay afar sano ka hor. waxaana hadda socotaa tirinta codadka doorashada.

Guddiga doorashada waxay sheegeen in haatan codadka la tiriyay uu ku horreeyo madaxweyne Adama Barrow oo helay in ka badan boqolkiiba 50 codadka la dhiibtay ninka sida uu weyn uu loolanka kala kulmayay Ousainu Darboe uu heysto boqolkiiba wax ka yar 45 natiijada horudhaca ah.

Mr Jammeh waxa uu haystaa xoogaa taageero ah, dad badan oo Gambian ah ayaa aaminsan in doorashadu ay u gogol xaarayso in uu ka soo laabto musaafuris uu isagu iskiis ugu aaday Equatorial Guinea.

Kuusha oo lagu codeynayo

Dadka reer Gambia waxay intooda doorbidaan inay kuusha ku codeeyaan, waana qaab soo jireen ah.

Dadka dalkan codkooda kama dhiibtaan sanaadiiqda codbixinta, marka ay dadweynaha Gambia gaaraan goobaha codeynta, waxay saraakiisha hubiyaan aqoonsiga codbixiyeha, waxaa qofka la tusaya fuustooyin kala duwan oo midabada musharraxiinta ah ku xardhan yihiin.

Saraakiisha doorashada ayaa qofka u dhiibaya kuusha, fuusto kasta korkeeda waxaa lagu sameeyay duleyl taas oo qofka codbixiyaha uu ku ridayo kuusha

Marka ay kuusha ku dhacdo fuustada waxaa la maqlayaa shanqarta, sidaas ayay saraakiisha doorashada ku ogaanayaan in qofka uu hal mar ka badan codeeyay ama in kale.

Marka lasoo xiro goobaha codbixinta, waxaa kuulaha laga soo saaraa dhammaan fuustooyinkii lagu riday si loo tiriyo.

Kuusha lagu codeeyo ee lagu rido fustooyinka ay ku kala xardhan yihiin magacyada musharraxiinta
Kuusha lagu codeeyo ee lagu rido fustooyinka ay ku kala xardhan yihiin magacyada musharraxiinta

Habkan codbixinta ah ayaa la hirgeliyay ka dib markii uu dalkan qaatay xornimada sanadkii 1965-tii, taas oo ay ugu wacnayd heerka sare ee akhris-la’aanta Gambia, ayuu yiri saxafiga Adi Darami, oo haysta dhalashooyinka Sierra Leone iyo Gambia.

Dhowr isbedel ayaa lagu sameeyay qaabkan tan iyo markii Yahya Jammeh uu si cagajiid ah uga tagay xukunka ka dib markii uu ku guuldareystay doorashadii madaxtinimo ee 2016-kii.

Lixda musharrax ee isku haya doorashadan

Adama Barrow ,waa madaxweynaha haaatan haya talada Gambia kana tirsan xisbiga NPP.

Ousainou Darboe, wuxuu ka socdaa xisbiga, oo ah qareen muddo kooban soo noqday madaxweyne ku xigeenka Mr Barrow. Waxa uu ka mid ahaa isbahaysigii riday Mr Jammeh, waxaana uu u tartamayaa markii shanaad xilka madaxtinimada.

Essa Mbye Faal– waa musharrax madaxbanaan- qareen iyo madaxii horkacayay guddiga TRRC, waa markii ugu horreysay uu xilkan u tartamayo.

Mama Kandeh– wuxuu ka tirsan yahay xisbiga (Gambia Democratic Congress), wuxuu kaalinta saddexaad ka galay doorashadii 2016-kii, wuxuu taageero ka helayay mr Jammeh.

Abdoulie Ebrima Jammeh wuxuu ka socdaa (National Unity Party)- waa macalin hore oo mar madax ka ahaa hay’adda duulista rayidka ee dalka, waa markii ugu horreysay uu xilka madaxtinimada u tartamayo

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this