Sign in to follow this  
Deeq A.

“Xukunnadda waqtigoodu sii dhammaanayo rafashadooda waxaa calaamad u ah in ay xadhigga ku ciil baxaan” Xoghaye Yoonis

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa si adag u dhaliilay xadhigga Majaajilaysta lagu naanayso Sayidka Barakaysan oo Ciidanka ammaanku xabsiga u taxaabeen.

Xoghayaha Caddaaladda ee Xisbiga Waddani Yoonis Axmed Yoonis, oo ka hadlay xadhiggan, ayaa ku tilmaamay sharci darro, waxaanu yidhi “Xadhiga Ciidanka Boolisku kula kaceen Majaajilaystaha caanka ah ee SAYIDKA-barakaysan waa mid sharci darro ah oo aan waafaqsanayn Dastuurka Dalkeenna JSL. Muwaadin kasta Xaq ayuu u leeyahay inuu ku dhiibto aragtidiisa sugaan sida ku cad qodobka 32(1) ee Dastuurka Somaliland.

Xisbiga KULMIYE waxa uu caadaystay ku tumashada Shuruucda Dalka , Maalinba waxa la xidhayaa haldoorkii bulshada haddii ay yihiin, samafalayaashii ,Abwaannadii iyo dadkii bulshada hormuudka u ahaa, Dariiqaasina haddii cidda xukunka haya ay sii wado waxa dhici doonta goor caddaalada la soo taago kuwa umadda hagaar daamada ku haya.

Xadhigga Sayidka-barkaysana waa mid sharci darro ah. Xukumadda waxan ugu baqayna inay xorriyadisa u soo celiso Majaajilaystaha sayidka barakaysana”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this