Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxa Halis Ku Jirta Nafteena, Waxa Aynu U Baahanahay In Aynu Ku Tallo-galno Guryo Tayo Leh Oo Aynu Ku Kalsoonaan Karno” Kaabsan Group Oo Si Weyn Uga Qayb-Qaadatay Carwada Warshadaha Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Shirkadda Kaabsan Group ayaa ka mid ahayd shirkadaha maanta sida weyn uga qayb-qaatay carwaddda warshadaha Somaliland oo maanta ka furantay magaalada Hargeysa.

Cabdiwahaab Xaaji Cali Axmed oo ah guddoomiye ku-xigeenka Kaabsan Group ayaa warbaahinta uga warbixiyay adeegyadda ay qabato Kaabsan Group iyo wax soo saarkeedaba.

Guddoomiye Cabdiwahaab Xaaji Cali Axmed ayaa ugu horraynta sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha ay Kaabsan Group qabato iyo qaybaha ay ka kooban yahaya waxaanu yidhi “Kaabsan Group waxa ay u kala baxdaa saddex qaybood oo ah Production, Real estate iyo Construction, haddii ay ku horrayno Kaabsan Production-keeda waa shirkadda kaliya ee waddanka ka jirta ee soo saarta addeega concrete diyaarsan, awal waad ogaydeenoo concrete-ka dhibaatooyin badan ayaa dadka haystay, waxa la yidhaa concrete-kuna waddanka waxa uu u yahay halbowle maadaama oo uu ka qayb-galayo dhismaha amma uu yahay shayga dhismaha ugu mihiimsan, sidaa darteed dhibaatadda dadka markii hore ka haystay waxa ka mid ah may haysan shaybaadh, hadda waxa aanu samaynay shaybaadh casri ah oo ka soo baxo concrete-ku marka la diyaariyo la mariyo oo lagu eego tayadiisa, taas oo la hubanayo concrete ama shubkani ma yahay mid qaadi karaya culayska uu gurigani u baahan yahay taa hadda waanu ku guulaysanay oo laab ayuu soo maraa oo laabkaa marka lagu tijaabiyo ayaa qofka macmiilka ah loo gudbiyaa, dhibaatada labaad ee dadka ka haystay waxa ay ahayd in meelaha cidhiidhiga ah la dhismo sida suuqyadda dhexdiisa waayo concrete waxa uu ka kooban shub, camuud, jay iyo waxyaabo kale, sidaa darteed meelaha suuqa ah may suurta galayn in la dhiso maadaama oo uu dariiqu cidhiidhi yahay waxa dhacaysay in dariiqu uu xidhmo taana wakhtigan xaadirka ah waynu ka gudubnay waxa loo keenaa shubkii oo diyaarsan oo loo geeyaa qofkii macmiilka ahaa isaga oo raali ku ah, ta saddexaad ee aynu ka gudubnay waxa weeyi way adkayd in guryo dhaadheer la dhiso waayo markii hore concrete-ka baaldiyo ayaa lagu qaadayay waanad garan kartaan qof inta uu gudbin karo hadda waxa ay dhisan karnaa guryo dhaadheer oo 50 ah 70 ah illaa 100 ah iyo wixii la mid ah waayo waxa aynu haynaa wiishash diyaarsan oo gaynaya dabaqa halkii loogu tallo galay Alxamdullilaah waa shirkadda kaliya ee waddanka ka jirta ee shaqadaa qabata, runtii intii aanu shaqada ku jirnay waxa aanu dareenay in tayadii guryuhu inoo fiicnaatay wakhtigiina uu degdegay awal wakhtiga uu guriga dhismihiisu qaadanayo iyo maanta ka aanu u shaqaynaynaa way ka fududaatay”

Guddoomiye ku-xigeenka Kaabsan Group Cabdiwahaab Xaaji Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuuxnuuxsaday arrimaha kale ee ay shirkaddoodu u qabato bulshada waxaanu yidhi “arrimaha kale ee aanu qabano waxa ka mid ah Construction-ka, Constructionku waxa uu waddanka u yahay halbowle, dhismeyaashuna waa waxa ugu qaalisan ee ay dadku haystaan, maalinba maalinta ka dambaysana baahidoodu way soo kordhaysaa, haddii aan la helin dhisme tayo leh amma guri lagu kalsoonaan karo waxa halis ku jirta nafteena, wakhtiyadan dambe deegaanku wuu is-bedelay waxa aad arkaysaan hareeraheena waxyaabaha ka dhaca ee dabaylaha iyo duufaanada ah kuwaas oo wakhtiyadii dambana soo durkayay oo aad moodaysay xeebaheena inay ka dhacayeen, maadaama oo cimiladda adduunyadu ay is-bedelayso waxa aynu u baahanahay in aynu ku tallo galno guryo tayo leh oo aynu ku kalsoonaan karno taasina Alxamdulillaah maanta waynoo hirgashay oo waxa aanu is leenahay waxbaad ka qabateen”

Cabdiwahaab Xaaji Cali oo ku warramaya waxyaabaha kale ay Kaabsan Group qabato ayaa waxa uu yidhi “arrinta saddexaad ee aanu qabano waxa weeyi guryaynta, guryaynta waxa ka jirta baahi weyn waayo mid kasta oo innaga mid ahi waxa uu u baahan yahay guri, sidaa darteed wakhtiyadan xaadirka magaalooyinkii ayaa lagu soo badanayaa dadkeenii miiguna magaalooyinka ayay soo galayaan qof kasta oo magaalada ku soo kordha amma dhashaa waxa uu u baahan yahay guri sidaa darteed hadda waxa aanu bilownay wax la yidhaa  Real estate, Real estate waxa aanu ka bilownay xaafado magaalo oo xidhan in aanu samayno oo aanu dadka ka iibino iyada oo loo fudaydinayo in qofku muddo dheer uu iska bixin karo sidii hagbada oo kale, tusaale ahaan 5 sanno iyo wax la mid ah in aanu qofka guri ku siino, hadda iyada waxa noo qorshaysan oo aanu bilaabaynaa guryo bajadin house ah oo inanka ardayga ah marka uu jaamacadda dhammeeyo oo uu shaqo galo waxa laga yaabaa in mushahar yar ku shaqo galo waxa aanu doonaynaa in mushaharkaa yar ee ku shaqo galay in uu guri ku helo” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Kaabsan Group Cabdiwahaab Xaaji Cali Axmed.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this