Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho ‘oo qarka u saaran’ xaalad la mid ah tii April 2021

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa aad looga cabsi qabaa inay gasho xaalad la mid ah bishii April 2021, markaasi oo ay ka dhaceen dagaallo looga hortagayey muddo kororsigii sharci-darrada ah ee ay sameeyeen madaxweyne Farmaajo iyo Maxmaed Mursal.

Waxaa hadda caasimadda ka taagan khilaaf siyaasadeed xooggan oo ka dhashay boobka lagu hayo kuraasta golaha shacabka, oo si musuq-maasuq xooggan ah loo maareynayo.

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa bayaan ay soo saareen 30-kii November ku caddeeyey “inuusan raalli ka ahayn, aqbalayn, qaybna ka noqon doonin boobka socda ee lagu dibindaabinayo shacabka Soomaaliyeed, laguna burburinayo geeddi-socodkii nabadda iyo dhismaha dowladnimada.”

Dadka siyaasadda taxliiliya ayaa ka cabsi qaba in go’aanka mucaraadka iyo is-mari waaga taagan uu Muqdisho ku celin karo xaaladdii ay soo martay April 2021.

“Halista waxay tahay inaan arki karno marxalad la mid ah tii aan aragnay bishii April,” waxaa sidaas wakaaladda wararka Anadolu u sheegay Rashid Abdi, oo ah fallanqeeye siyaasadeed, isaga tixraacaya dagaalkii ciidamada Farmaajo iyo kuwa Badbaado Qaran. 

“Xalka waa in lagu laabtaa hanaankii doorasho ee 2016, oo aan wax isbeddel ah lagu sameyn, sidoo kalena isbeddel lagu sameeyaa hoggaanka guddiga fulinta doorashooyinka heer federal (FEIT),” ayuu yiri Rashid.

Abdikarim Hassan Mohamed, oo ah qareen, ayaa sheegay in mas’uuliyadda ay saran tahay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Roble inuu xaqiijiyo in Soomaaliya “aysan ku dhicin dagaal.”

“Marka aad haysato hanaan sida midkan doorashada dadban oo kale ah, waxaa mar walba jira fursad ay ku dhacaan eedyemahan oo kale ee khiyaameynta iyo xadgudubyada,” ayuu yiri.  

“Dhammaan saamileyda waa inay dhinac iska dhigaan danahooda, oo ay eegaan sida ay xaaladda Soomaaliya u jilicsan tahay iminka, ayna danta shacabka ka hormariyaan wax kasta oo kale. Ra’iisul Wasaaraha wuxuu u baahan yahay inuu hoggaamiyo oo uu mideeyo dhammaan dhinacyada.”

Midowga Murashaxiinta ayaa bayaan ay soo saareen 30-kii November ku qaadacay kuna dalbaday in la joojiyo doorashooyinka dalka ka socda.

Si kastaba, ilo-wareedyo ku dhow xafiiska Rooble ayaa Caasimada Online u sheegay in qaadacaadda mucaaradka Rooble aysan waxba ka beddeleyn mowqifka Rooble ee ah in doorashooyinka dalka ay sii socdaan, wixii cabashooyin ah ee jirana la xaliyo.

Mowqifka Rooble ayaa astaan u ah sida ay u kala fogaadeen isaga iyo mucaaradka oo mar xulufo ahaa, islamarkaana garab xooggan siiyey markii ay is-hayeen madaxweyne Farmaajo.

Isbeddelka ku yimid Rooble ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay safarkii uu bishii October ku tegay dalka Qatar, halkaasi oo wararka ay sheegayaan in Doha ay ku amartay inuu la shaqeeyo Farmaajo, islamarkaana lacag malaayin dollar ah uu kusoo qaatay.

Haddii aan xal deg deg ah la helin, islamarkaana Rooble garwaaqsan in boobka aanu sii socon karin, waxay Muqdisho geli kartaa xaalad la mid ah tii April.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

The post Muqdisho ‘oo qarka u saaran’ xaalad la mid ah tii April 2021 appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this