Sign in to follow this  
Deeq A.

“Guusha Ay Itoobiya Gaadhay Waa Mid Lagu Faano….” Abiy Axmed Oo Muddo Toddobaad Ah Markii Saddexaad Kasoo Muuqday Warbaahinta.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo wali ku jira hawlgallada ka dhanka kooxda TPLF, ayaa muddo toddobaad gudihiisa ah markii saddexaad kasoo muuqday warbaahinta dowladda, isagoo ku sugan mid kamid ah furimaha dagaalka lagula jiro kooxda TPLF.

Abiy Axmed markan waxa uu si gooni ah ula hadlay ciidammada Itoobiya ee uu hoggaaminayo, isagoo kula dardaarmay sidii loosii wadi lahaa halganka lagu cidhibtirayo kooxda TPLF, waxa uuna yidhi “guusha ay Itoobiya gaadhay waa mid lagu faano, ma dhicin marnaba in laga guulaysto Itoobiya, waan guulaysanaynaa marwalba”.

Geesta kale mar uu ka hadlayay guulaha is xigxiga ee ay ku tallaabsadeen ciidammada Itoobiya, waxa uu sheegay in wakhtiyada soo socda ay qabsan doonaan ciidammadiisu magaalooyin hor leh, isagoo taa ka hadlayana waxa uu yidhi “Hadda waxaanu ku suganahay furinta dagaal ee Dhongolo, waxaanu ku taamaynaa inaan soo afjarno howlgalka badhtama ka socda, sidii aanu usoo afjarnay howlgalladii Bariga iyo Galbeedka aanu ka samaynay”.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in wakhtiyada fooda inagu soo haya ay qabsan doonaan magaalooyin waawayn oo istiraatiiji ah, waxa uuna yidhi “Maanta ilaa Barri waxaan u kala qaadanaynaa qorshe sidii aan u hanan lahayn magaalooyinka Kamise, Baati iyo Kombolcha, iyo magaalooyin kale oo dhammaan ay kusii socdaan ciidamadeenu”.

Hadallada Abiy Axmed raysal wasaaraha Itoobiya, ahna abaanduulaha ciidammada Itoobiya ayaa kusoo hagaagaya xilli maalmahan ay dowladdu sheeganaysay inay gaadhay guulo waawayn, isla markaana ciidammada Itoobiya ay qabsadeen magaalooyin hore ugu jiray gacanta TPLF.

TPLF-na waxay geesteeda sheegtay inay iyadu iskaga baxday magaalooyinka ay haatan qabsadeen dowladdu, iyadoo ku tilmaantay ka bixitaankeeda magaalooyinka xeelado dagaal, balse taa dadka intiisa badan ayay ka daadagi wayday.

Isu soo duuboo dagaalladii muddada dheer ka socday Itoobiya, ee u dhaxeeyay dowladda iyo kooxda TPLF ayaad moodaa in waji kale uu yeeshay, iyadoo dowladdu ay guulo is xigxiga ay sheeganayso, halka ay TPLF-na gaabisay guuxeedii dagaal.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this