Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin Xanuun Badan:Wiil Aayadii & Aabihii dileen oo argagax  abuuray

Recommended Posts

Deeq A.   

Wiil Aayadii & Aabihii dileen oo argagax  abuuray

Arthur
Arthur

Aabbe iyo xaaskiisa ayaa lagu heley dambi ah in ay dileen wiil lix sano ah oo lagu magacaabo Arthur Labinjo-Hughes, kaas oo ninka uu ka dhalay xaas kale.

Wiilkan yar oo la dilay sanadkii hore ayay hadda maxkamadda ogaatay caddeymo argagax leh oo muujinaya sidii wiilka loola dhaqmay iyo ciqaabtii xadka ka baxsaday ee la mariyay.

Thomas Hughes iyo xaaskiis Emma ayaa sidoo kale lagu heley dambi ah dayacaad carruur.

Islaanta wiilka aayada u ah ee Emma ayaa si gaar ah loogu heley in ay wiilka dishay, iyada oo madaxa ugu garaacday ismiidka.

Caddeymihii maxkamadda lasoo bandhigay waxaa ka mid ahaa in wiilka la qadin jirey oo cunada laga reeban jiray, in la siiyay cunto sumaysan oo markii dambe uu u dhiman doono, iyada oo sidoo kale guriga qeybo ka mid ah lagu go’doomin jiray.

Waxa mararka qaar lagu ciqaabi jirey in uu saacado illinka taagnaado sidii in uu yahay sanam oo kale.

Waxa xitaa dhacday in mar laga jeexjeexay funaanado koox uu taageero oo ah kooxda Birmingham City.

Emma aayada wiilka
Emma aayada wiilka

Maxkamadda ayaa la daawadsiiyay muuqaalo kaamirooyinka aan libiqsan ay duubeen iyo waliba codad wiilka laga duubay oo uu leeyahay ‘cidna ima jecla aniga’ , weedhaas oo uu ku celinayo afar mar.

Waxaa kale oo la dhagaystay cod wiilka uu u duubay qofka qaabilsan daryeelka carruurta ee dowladda oo uu ku leeyahay “cunto la ima siinayo”, weedhaas oo uu ku celcelinayo 7 jeer.

 

Islaanta aayada ah ayaa la sheegay markii uu wiilka miyir daboolmay, in ay wacday qeybta gargaarka degdega ah 12 daqiiqo kadib, iyada oo u sheegtay been ah in wiilka uu meel kasoo dhacay.

Hughes , aabaha wiilka dhalay
Hughes , aabaha wiilka dhalay

Inkasta oo aabaha uu goobjoog ahayn markii la dilayay wiilkiisa, waxa ay maxkamadda ku heshay in uu wax ka ogaa qorshaha, isaga oo dhawr jeer wiilka ugu hanjabay in uu ciidda ka hoos marinayo, isaga oo sidoo kale mar farriin uu u direy xaaskiisa ku yiri “Naga soo afjar cunugan”.

Dhacdadan ayaa argagax galisay guud ahaan shacabka Ingiriiska, iyada oo noqotay arrinta loogu hadal hayn badanyahay.

Waxaase dhanka kale farta lagu godayaa hay’adahii dowladda ee u xilsaarnaa daryeelka bulshada oo la sheegay in ay shaqadooda ka gaabiyeen.

Arthur jirkiisa waxaa laga heley 130 dhaawac oo kala duwan

Arthur
Arthur

Wiilka ayaydiis ayaa lammaanahan ku tilmaamtay kuwa arxan daran oo wiilka si xun u galay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this