Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo iska soo horjeeda oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada Boosaaso iyo cabsi taagan

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Boosasaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Maanta halkaas ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay sameenayaan ciidamo ka amar qaata madaxweyaha Puntland Saciid Deni iyo ciidamada PSF.

Ciidamada dhaq-dhaqaaqyada ciidan wado ayaa kala ah Ciidamada Badda Puntland (PMPF) oo agaasime ku xigeenka uu Siciid Deni u magacaabay xilka la wareegay 27-kii November iyo ciidamada PSF e ka hor yimid xil ka qaadista lagu sameeyey agaasimahooda.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si cad u sheegay in ay ka go’an tahay xil ka wareejinta Agaasimaha PSF iyo inuu soo afjari doono in ciidamada Puntland ay hoos tagaan Shaqsiyaad, hadalkaas & ciidanka uu dul dejiyay Xeryaha Ciidamada PSF ayaa xoojiyay dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac.

Sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Caasimadda Online, waxaa magaalada lagu dhex arkayaa ciidamo badan iyadoo cabsi weyn laga qabo dagaal dhex maro ciidamada Puntland ee Saciid Deni la safan iyo kuwa PSF.

Waxaa socdo dadaalo lagu doonayo in lagu baajiyo dagaalka, balse xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in labada dhinac ay diidan yihiin wada-hadalka isla markaasna ay xal u arkaan in dagaal lagu kala baxo.

Isimada ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaasi oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiirka amniga Puntland oo kal hore hanjabaad culus hawada u mariyay ciidamada PSF, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda la kulmaan dhinaca hay’adda PSF.

Xiisadii maalmihii u dambeeyay ka dhex aloosneyd madaxweyne Deni iyo Agaasime Diyaan ayaa waxay si weyn u saameysay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi oo ah Magaalo Ganacsi oo ay ku nool yihiin Dad badan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

The post Ciidamo iska soo horjeeda oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada Boosaaso iyo cabsi taagan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this