Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsato iyo saraakiil ku shiray Muqdisho ‘oo go’aan ka gaaray’ xaaladda dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay yeesheen saraakiil, siyaasiyiin iyo ganacsato ayaa shalay ka dhacay Muqdisho, kaasi oo lagu go’aamiyey in dalka uu u baahan yahay badbaado, sida uu sheegay taliyihii hore ee NISA Cabdiraxmaan Tuuryare oo ka qeyb galay.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Senator Muuse Suudi Yalaxow, oo hormuud u ahaa dagaalkii badbaado qaran ee lagu hor-istaagay isku daygii muddo kororsi ee madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku fashilmay. 

“Waxaan galabta kala soo sheekeystay Senetar Xaaji Muuse Suudi Yalaxow (xafidahulah) xaalada dalku marayo iyo sida la isku samata-bixin lahaa. Waxaan wadaagnay qorshe iyo talooyin muhiim ah oo xiligooda lasoo bandhigi doono,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Tuuryare.

“Kulanaka waxaa nala joogay ganacsato iyo saraakiil aad u muhiim ah oo aanan hada dooneyn in aan soo bandhigo sawiradooda iyo qorshahoodaba. Dalku in uu badbaado u baahanyahay hoosta ayaa la iskala xariiqay.”

Kulanka ayaa yimid ayada oo wararka ay sheegayaan in Midowga Murashaxiinta ay qorsheynayaan in ciidamada babdaado qaran mar kale lasoo geliyo Muqdisho, si loo joojiyo doorasho boobka dalka ka socda.

Tuuryare ayaa dhowaan loo diiday inuu u tartamo kursiga beeshiisa ee HOP#67, kaasi oo madaxweynaha Qoor Qoor uu u boobay taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey

Waxaa kursigaas saxiixay nabaddoon Cabdullaahi Geedi Shadoor oo aan aheyn odayga saxda ah ee leh saxiixa balse ah oday ku xiran madaxtooyada Soomaaliya. 

Imaamka beelaha Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf ayaa caddeeyay in nabaddoon Cali Jeesto uu yahay saxiixaha rasmiga ah ee kursiga HOP#67.

“Waxaan halkaan ka cadeynayaa in Cali Jeesto uu odayga Waceysle yahay, dowladda waxaan leeyahay yaan lagu sirmin ninkaas Cali ah, qolada guddiga khilaafaadka waxaan lee yahay war na-warsada aan inla toosinee waxa qaldamay, anaga waxaan rabnaa dowlad ku dhisanta hanaan sax ah,” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf.

Imaamka ayaa fariin u diray guddiga xalinta khilaafaadka oo haatan ay hor taallo dacwada kursigaas ay beesha Waceysle ku doodeyso in la boobay, waxuuna kula taliyey in xaqa iyo baadilka ay dadka u kala saaraan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

The post Ganacsato iyo saraakiil ku shiray Muqdisho ‘oo go’aan ka gaaray’ xaaladda dalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this