Sign in to follow this  
Deeq A.

Xafiiska Rooble oo war yaab leh kasoo saaray muranka hareeyey doorashada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in ra’iisul wasaare Rooble aanu shaqo ku laheyn sixitaanka qaladaadka doorashooyinkla balse ay howshaas u taallo guddiyada u xil saaran.

Macallimuu ayaa sheegay in Rooble ay ka go’an tahay inuu ka shaqeeyo in la dhawro hufnaanta doorashada, balse aanu aheyn “garsoore seeri la taagan oo kiis walba laga doonayo inuu gaar u xalliyo.”

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa ka go’an isaga oo kaashanaya Golaha Wadatashiga Qaranka in la dhawro hufnaanta doorashada, waana sababta uu had iyo jeer guddiyada kala duwan ee doorashooyinka iyo guddiga xallinta khilaafaadka kulamada uu la yeesho uu ugu adkeeyo in ay doorashada u maamulaan si daahfuran,” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda.

“Doorasho marka la fulinayo waa xaqiiqo in ay cillado la soo baxayaan ,balse hadii ay qaladaad dhacaan waa in sixitaankooda loo maraa hab waafaqasan habraacyada doorashada ee aaney noqon mid caadifad ku dhisan , waxana awoodaas iska leh guddiyada u xilsaaran howshaas ee Ra’iisul Wasaaruhu maaha garsoore seeri la taagan oo kiis walba laga doonayo inuu gaar u xalliyo.”

Macallimuu ayaa intaas ku daray in doorasho ay qabsoonto ay tahay xalka kaliya dalkan uu uga gudbi karo marxaladda uu maanta taagan yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa imanaya ayada oo Golaha Midowga Musharrixiinta mucaaradka ah ay sheegeen in hannaanka ay doorashadu u socoto uusan ahayn mid hufan ayagoo sheegay in waxa socdaa uu yahay “boob” ee aan doorasho lagu tilmaami karin.

Midowga Murashaxiinta ayaa bayaan ay soo saareen 30-kii November ku caddeeyey “inuusan raalli ka ahayn, aqbalayn, qaybna ka noqon doonin boobka socda ee lagu dibindaabinayo shacabka Soomaaliyeed, laguna burburinayo geeddi-socodkii nabadda iyo dhismaha dowladnimada.”

Midowga Murashaxiinta ayaa sidoo kale qoraalkaas ku sheegay in Rooble ay ka dalbadeen in la joojiyo doorashooyinka balse uu ku gacan seeray, taasi oo ku qasabtay inay si shaacsan u dalbadaan in la hakiyo doorashada.

Guddiga doorashooyinka ayaa ayaguna dhankooda sheegay in doorashadu ay ku socoto si habsami leh iyo habraacii loogu talagalay, islamarkaana beeniyey in uu jiro wax boob ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

The post Xafiiska Rooble oo war yaab leh kasoo saaray muranka hareeyey doorashada dalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this