Sign in to follow this  
Deeq A.

‘Doorashada kaliya ee uu ogol yahay’ FARMAAJO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeyay inuu kasoo horjeedo doorasho xor iyo xalaal ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Farmaajo uusan marnaba ogaleyn doorasho looga guuleysanayo, uuna rabo in uu markasta go’aamiyo natiijadeeda.

“Waxaa la soo maray loolan adag oo labo sano ku dhow, oo la isku hayey in ay dalka ka dhacdo doorasho la isla oggolyahay oo waqtigeeda ku dhacdo. Farmaajo mar walba doorasho waa diiddanaa, ilaa iyo haatanna ma ogola doorasho tartankeeda loo siman yahay, oo uusan boobi karin, ama diidi karin natiijadeeda,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale Siyaasi Cabdiraxmaan ayaa qoraalkiisa kusoo qaatay tallaabooyin dhowr ah oo uu sheegay in Farmaajo uu uga hortagay inay qabsoomto doorashada, islamarkaana uu ku qasbanaaday in dalka uu aado doorasho, taasi oo uu illaa hadda ku hayo boob.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxman Cabdishakuur oo dhameystiran:

Dib u xasuuso dagaalkii dheeraa ee uu Farmaajo u soo galay in aysan dalka doorasho ka dhicin.

June, 2020, ayuu Golaha Shacabka ansixiyey muddo kororsi dadban, laakiin la huwiyey magaca doorasho qof iyo cod ah, taasoo uu gadaal ka riixayey Farmaajo, laakiin Aqalka Sare, madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada mucaaradka ayaa diiday.

July 2020, waxaa furmay shirkii Dhuusamareeb I Dowlad goboleedyada ayaa ku heshiiyey in la qabto doorasho taladeeda loo dhan yahay kuna dhacda muddo xileedka harsan.

July 19-22 – 20, waxaa dhacay Shirkii Dhuusamareeb II. Waxaa lagu heshiiyey in ay dalka ka dhacdo doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo lagu wada qanacsanyahay. Shirkaas waxaa Farmaajo u caddaatay in Raysalwasaarihiisa uusan la wadin muddo kororsiga. Maalmo ka dib, ayuu 25 July xilka ka tuuray.

17 September 2020, ayuu Farmaajo oggolaaday heshiiska doorasho dadban.

Nov 2020, Guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal, inta badan dowlad Goboleedyada iyo Somaliland ayaa soo la soo saaray, kuwaasoo u badnaa Nabadsugid, shaqaale rayid ah iyo taageerayaal N&N.

06 Febraayo 2021, shirkii Dhuusamareeb 4, ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday, iyadoo la isku mari waayey maamulka Gobolka Gedo oo uu Farmaajo ka fuqi waayey.

12 April 2021, ayuu halkii uu ku taamayey soo istaagay. Wuxuu samaystay muddo kordhin labo sano ah.

25 April 2021, Gadoodkii ciidanka ayaa dhacay, taasoo qasabtay in uu muddo kordhinta ka laabto.

01 May, 2021, ayuu ka laabtay muddo kororsigii

27 May 2021, waxaa la gaaray heshiiskii Golaha Wadatshiga Qaran ee Doorashooyinka

June 19 2021, Ayaa dib loo magacaabay guddiyadii doorashada

Oktoobar 2021 waxaa bilaabtay doorasho boob ah, oo la isku hortaagan yahay.

Waxaa la soo maray loolan adag oo labo sano ku dhow, oo la isku hayey in ay dalka ka dhacdo doorasho la isla oggolyahay oo waqtigeeda ku dhacdo. Farmaajo mar walba doorasho waa diiddanaa, ilaa iyo haatanna ma ogola doorasho tartankeeda loo siman yahay, oo uusan boobi karin, ama diidi karin natiijadeeda.

The post ‘Doorashada kaliya ee uu ogol yahay’ FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this