Recommended Posts

Ninkaan markuu boqor la baxay ogaa fag fagtiisa fudeedka badan waxaan camal ka soo yeeri doono. Wixii laabta ugu qarsanaa ayaa ka soo fakatay:

Boqor Buurmadoow oo dhalleecayn kala kulmay hadal uu kasii daayay warbaahinta

Dhaleecayn weyn ayaa ka dhalatay hadal uu warbaahinta kasii daayay boqor Cismaan Awmaxamuud Maxamed (Buurmadoow) oo katirsan madax dhaqameedka Somaliland, kaasoo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho.

Boqor Buurmadoow ayaa meel madal ah uu ka hadlayay ka sheegay in Soomaaliya ay ka jirto labo dowladdood oo kala ah Al-Shabaab iyo Dowladda Federaalka.

Wuxuu sheegay in shaqsiyaad isaga ku qabiil ah ay xukumaan Kooxda Al-Shabaab. Wuxuu sidoo kale naxariis u rajeeyay hoggaamiyihii hore ee kooxda Axmed Gudane, markii duqayn lagu dilay 2014.

Masuuliyiin xilal kasoo qabtay Soomaaliya iyo maamulada dalka , ayaa hadalka Buurmadoow ku tilmaamay ku digasho iyo in uu damqinayo bulshada ay dhibaatooyinka kala duwan u geysatay Alshbaab.

Dadka arrintaas ka hadlay waxaa kamid ah wasiirkii hore ee amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo ku eedeeyay Boqor Buurmadoow in ereyadii uu ku hadlay ay yihiin kuwa aan xakamaysnayn oo u ekayd digasho aan geedna loogusoo gamban.

“Boqor Buurmadoow haddii uu ka samafalay dadkii Laascaanood sida aan wanaagsanayn looga soo tarxiilay, waxaa looga fadhiyaa in uu diyaariyo magdhowgii dadkii kumanaanka ahaa ee Godane iyo xarakadiisu ay laayeen”, ayuu yiri wasiirkii hore ee amniga Galmudug.

Fiqi ayaa ugu baaqay boqor Buurmadoow inuu raaligalin degdeg ah ka bixiyo hadalka uu sheegay, isagoo tilmaamay in aanay isku qalmin sida weyn ee loosoo dhoweeyay iyo boogaha uu damqiyay.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad ayaa isna kamid ah dadka ka hadlay arrintaan, wuxuuna ugu baaqay in arrintaan uu raaligalin ka bixiyo boqorka ay xog-ogaalnimo darro u geysay.

Cismaan Aw-Maxamuud Maxamed [Buurmadoow], ayay si weyn odayaasha dhaqanka beelaha Koofureed u soo dhaweeyeen, waxaana caasimadda loogu sameeyay munaasabada kala duwan oo lagu soo dhoweynayay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shurwac   

Dowlad haday meesha ka jirto, Murtadkaan hala Xiro...Halana masaafiryo.

His whole trip is about secessionist agenda and revving Al-shabaab...

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Hadalku mar mar buu kula taraaraa, laakiin qaabka raali gelinta soomaalida, yaa indho adaygu ku badan markaad u fiirsato.

Waxaa la rabay inuu dhaho.

Raali ahaado walaalayaal hadalkaasu gef buu idinku ahaa, anigana waxaa iga keenay, meel kale oo aan ina godane ahayn oo aan wax idin kula qaybsano yaan waynay.

Shartuu ina godane gaystay snm ka dhex muuqasho siyaasadeed bay u aragtay, intii dhimatayna allaha u naxariisto.

Sidaad la socotaan snm meel cidlaa bay nagu ooday, soomaalina naga fogaysay carab iyo afrikana way nagu dari wayday.

Gef kastoo naga dhaca reer koonfurku waxbay ku leeyihiin,  sababtoo ah mana waallin mana fiyoobin.

intaas kaliya yuu ahaa hadalku, waana la qosli lahaa waana loo garaabi lahaa.

ina godane hal qabiil kaliya ma layn, buur-madawna usc kaliya yaa raali gelin waydiisatay waliba mudo ka dib markay dib wax usoo gocdeen maxay ku dhacday?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khadafi   
17 hours ago, Xaaji Xunjuf said:

What makes ina godane bad and daahir aweys a great  hero. Its  qabil

Dahir Aweys rejected Al-aqeda alliance and could be compared to a taliban while godane was the one who led al-shabaab to join an international alliance of terrorism. Becouse of his actions no one can negotiate with them. Thats not qabil thats a fact. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.