Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Boosaaso maxaa ka socdo?

Recommended Posts

Baaqooda nabadeed mala dhageysan doonaa?

Cumar Cabdirashiid, Faroole iyo Cabdiweli Gaas oo gaaray Garoowe si ay qeyb uga noqdaan dhamaynta khilaafka Puntland iyo PSF

20211225637760089922799868.jpg

Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynayaashii hore ee Puntand oo ay wehliyaan siyaasiyiin iyo Isimo ayaa gaaray magaalada Garoowe, si ay qeyb uga noqdaan dadaallada lagusoo  afjarayo khilaafka ka dhex taagan Puntland iyo hay’adda PSF.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay nabad ku baaqay, isagoo caddeeyay inuu diyaar u yahay heshiiska kasta oo xal lagaga gaarayo colaadda ka dhalatay xil ka qaadistii uu ku sameeyay agaasimihii PSF.

Wafdigaan ayaa kulan kooban madaxtooyada kula qaatay madaxweyne Deni iyo guddoonka golaha barlamaanka Puntland, waxayna maalmaha soo socda tegidoonaan magaalada Boosaaso, si ay ula kulmaan saraakiisha PSF.

Kadib hadalkii madaxweyne Deni uu xalay ka jeediyay magaalada Garowe, waxaa maanta magaalada Boosaaso dib ugu laabtay boqolaal qoys oo horey uga barakacay colaadda Boosaaso, kuwaas oo u badnaa qoysas danyar ah.

Madaxweyne Deni ayaa bogaadin iyo soo dhowayn ku helay go’aaanka nabadeed ee uu qaatay, inkastoo dadka dhaliila ay sheegeen in loo baahnaa in go’aankaas colaadda ka hor.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qarax miino oo lagu weeraray Kolonyo galbineysay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni

Kolonyo ciiddan oo galbinaysay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu weeraray Qarax miino, iyagoo sii galayay magaalada Boosaaso.

Qaraxan oo ahaa mid horey loosii diyaariyay ayaa haleelay mid kamid ah gaadiidka ciiddan ee sugayay amniga madaxweynaha Puntland, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Labo askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen qaraxan, tiro kaloo intaas ka badan ayaa ku dhaawacmeen, waxaana qaraxa kadib rasaas furay ciidanka, lamase oga khasaaraha ka dhashay.

Waa markii ugu horraysay oo madaxweyne Deni qarax lagu weeraro, waxaana arrintaas ay kusoo aadaysaa xilli magaalada Boosaaso xaaladdeeda amniga ay sii xumaanayso.

Alshabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay weeraro qaraxyo ah ka geysanaysay magaalada Boosaaso.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alshabaab oo sheegatay qaraxii lala eegtay kolonyo ciiddan oo galbinaysay madaxweynaha Puntland

Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax maanta lagu weeraray kolonyo ciidan oo galbinaysay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, xilli madaxweynaha iyo wafdi la socday ay gudaha usii galayeen magaalada Boosaaso.

War kooban oo kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay, in beegsigooda uu ahaa madaxweynaha Puntland, balse uu ka badbaaday weerarkaas, waxayna sheegeen inay ku dileen askar kamid ah ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Deni.

Qaraxa Boosaaso ka dhacay ayaa kusoo aaday xilli ammaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay islamarkaana ay magaalada ku suganyihiin siyaasiyiin doonaya in xildhibaanno loo doorto.

Qaraxa maanta ka dhacay Bosaso oo ahaa mid lagusii qariyay laamiga dhinaciisa ayaa haleelay mid kamid ah gaadiidka ciiddan ee sugayay amniga madaxweynaha Puntland.

Ugu yaraan labo askari oo lagu kala magacaabo, Fanax iyo Maxamed Dheere, ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen qaraxa, afar kalena ku dhaawacmeen.

Laamaha amniga ayaa ku guul daraystay in ay wax ka qabtaan qaraxyada Boosaaso kusii kordhaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hard to swallow that the road side explosion is the work of Alshabab. 

This is a politically motivated explosion. 

One thing is becoming very clear, Deni is losing control of the security of his region. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.