Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Boosaaso maxaa ka socdo?

Recommended Posts

gooni   

Alle waxaan ka baryayaa inuu shacabkaas bad-baadiyo siday u bad-baadiyeen dad badan oo soomaaliyeed wakhtiyadii adkaa 

Maamulka puntland haduu xoog wax ku xukumi karo laas-caanood kamasoo carareen barqo dheer.

Markii la waydiiyay sababta ay laas-caanood ugasoo carareen waxay ku jawaabeen, boowe hade dadkii lahaa yaa na diiday dhiig dhexdeena ahna umaanan diyaar garoobin, macnaha maamul ma nihin.


Waxaanu jufooyin isku rakiban suulka ilaa madaxa, ma jiro nin ka dhigi kara dawlad sharci iyo kala dambayn leh,  federaalkuna waa la mid wakhti bay u baahan tahay.

Mr. Deni,  wuxuu xal ka keeni waayay jufadiisii hoose oo ahayd meeshii la rabay inay wax uga bilawdaan.

Xalka jufadu waa sahal haduusan ahayn nin ku dhex dhaqmay oo aan dhaqankooda aqoon.

Lama dilo wiilkaaga adoo og waxa meesha yaala.

Boqorkii puntland iyo isimadii wuxuu ka dhigay wax aan qiimo lahayn soomaali oo dhan horteeda.

Su'aashu waxay tahay nin "barkad" ku dabaalan waayay see bad-weyn u hawaystay?

Macnaha haduu madaxweyne soomaaliya u noqdo yaa dhididka ka tiraya?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidanka PSF oo war kulul kasoo saaray dagaalka kala dhaxeeya maamulka Deni

psf.jpg

Saraakiisha Ciidamada Hay’adda PSF ayaa markii u horeysay si adag uga hadlay dagaalkii shalay iyo maanta magaalada Boosaaso ku dhex-maray ciidamadooda iyo kuwa Puntland.

Qoraal kasoo baxay saraakiisha PSF ayaa ugu horeyntii lagu sheegay in ciidamadooda iska difaaceen labadii maalmood ee u dambeeyay weeraro gardaro ah oo lagu jabiyay xeerarkii sharciga ahaa oo dhan.

Sidoo kale waxaa ay ku eedeeyen maamulka madaxweyne Deni in uu diiday gartii ay u dhiibteen Isimada Puntland, islamarkaana ay Boosaaso ka bilaabeen barakicin bulsho iyo weeraro gardaro ah, ayna dhankooda kasoo horjeedan colaada iyo dhibaatada shacabka.

“Dhinacayagu marna ma hurinayn colaadda iyo dhibaataynta shacabkeeda. Waxaan aad uga xunnahay dhibta bulshadeenna soo gaartay, runtii raali kama nihin wixii sameeyayna way qaadanayaan mas’uuliyadooda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Ciidanka PSF waxay u taagan yihiin la dagaalanka argagixisada, amni daradda iyo cid kastoo ku lug leh.”

Ugu dambeyntiina waxay sheegen inaysan marnaba aqbali karin inay eedeyan PSF dad ay sheegen inay argagaixisadda ka tirsanaayeen oo ku gabanaya xasaanadda dowladda, sida ay sheegen.

Dagaal xoogan oo ay ka dasheen khasaare baaxad leh ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay ciidamada PSF iyo kuwa Puntland ku dhexmaray magaalada Boosaaso, kadib muddo ay taagneyd xiisad xil ka qaadista agaasimaha hay’adda PSF.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isimada Puntland oo bayaan saddex QODOB ah kasoo saaray dagaalka Boosaaso

Isimada dhaqanka Puntland ee ku sugan Boosaaso ayaa bayaan cusub kasoo saartay xiisadda dagaal ee ka taagan magaaladaasi, taas oo dhalisay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac, burbur & barakac ay sameeyeen dadka shacabka.

Bayaanka ka soo baxay Isimada ayaa waxaa marka lagu sheegay inay aad uga xun yihiin khasaaraha ka dhashay dagaalladii ka dhacay halkaasi.

“Waxay si dhaw ula socdaan xaaladda amni ee Magaalada Bosaso oo gashey mid dagaal, taas oo Sababtey, dhimasho, dhaawac, barakac baahsan iyo burbur hantiyeed, labadii maalmood ee u danbeysey,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen Isimimada Puntland.

Sidoo kale waxa ay soo jeediyeen illaa saddex qodob oo looga hortago dagaalka Boosaaso, waxayna kala yihiin:-

In xabadda la joojiyo si shuruud la’aan ah

In loo turo shacabka, lana caawiyo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartey dagaalada

Waxaan ku adkeyneynaa.

Si kastaba, xaaladda Boosaaso ayaa maanta deggan, waxaana lagu soo warramayaa inay haatan dib u soo laabteen dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Xigasho

Baaqan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maanta wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan uu ku dhowaaqay xabad joojin deg-deg ah oo ka dhaqan-geleyso magaalada Boosaaso, si loo joojiyo dagaalka ka socda gudaha magaaladaasi.

Wasiirka amniga ayaa xusay in Puntland ay haatan diyaar u tahay inay wada-hadal la gasho PSF, si degenaan loogu dhammeeyo xiisadda haatan taagan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Oday Gooni,

hadalkaagu waa hadal nin weyn. 

Dani waxa ka horjeeda waa " Puntland extablishment". Qaylada baxaysa waa mid lagu diidayo isbedelka socda dhinaca uu doono ha socdee.

WE welcome the cease fore by the Puntland government and elders. On the other hand the PSF mercenaries are among the best trained forces and will subdue any militia. Dani must asses the issue and try to isolate the outlaws.

Also, the strange thing is those who are in trouble always blame president Farmaajo for their problems. Even the Dayaano outlaws might say they are N&N. I did talk to a Nabad Iyo Nolol supporter from Puntland and he said, " cid kasta oo Farmaajo ka horjeedaa way jabaysa Illahay amerkiisa". He told me about a man catching a plane from Djibouti and he said, " if you ask the Djibouti people who they would vote, they will tel you Farmaajo" , waar ninku dadka miyuu sixray ayuu yidhi.

That means if the Dani was a Farmaajo supporter like Qoor Qoor, he could have subdued the outlaws by now.

Jocking aside, these Dayaano family owned mercenaries had to give up their arms one way or another. They can't take hostage for the city of Boosaaso.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Arafaat   

This is a test of Deni character and leadership. if he can’t solve and contain the mad family bullying and plundering the village, then we can’t expect much of him in Mogadishu either. 

P.S. any outcome in which the mad family retains position, property or standing in Bosasso, is a loss for Deni. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxtooyada Puntland iyo taliska PSF oo midba midka kale ku eedeeyay colaadda Boosaaso

Madaxtooyada Puntland ayaa ku eedeysay agaasimihii hore PSF, Gen Maxamuud Cismaan Diyaano, inuu hurinayo colaadda ka jirta Magaalada Boosaaso, waxayna sheegtay in si aan kala sooc lahayn ciiddamdiisu ay magaalada Boosaaso ugu duqeynayaan Hoobiyaal.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in ay Puntland wakhti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaaladda Boosaaso, waxayna raacisay in ay qaadayso wixii tillaabooyin ah oo lagu fududeynayo dadaalada socda.

“Si loo dhiirigeliyo sidii xal nabadeed loogu dhammeyn lahaa xaaladda xil wareejinta masuuliyadda iyo hantida PSF, Dowladda Puntland waxay ku celinaysaa in ay wakhti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaaladda Boosaaso,” ayaa lagu yiri warka madaxtooyada.”

Warka kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa kusoo aadaya, iyadoo magaalada Boosaaso uu weli ka socdo dagaal u dhaxeeya ciiddanka Puntland iyo kuwa PSF, kaasoo xalay saqdii dhexe ka bilowday fariisimihii la isku horfadhiyay.

Dhinaca taliska ciiddanka PSF oo dhankooda soo saaray qoraal kooban,  ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in ay jebiyeen ballantii xabbad joojinta ahayd, waxayna sheegeen in lagusoo qaaday weerar ayna iska difaaceen.

PSF waxay ku eedeeysay wasiiradda loo xilsaaray arrinta magaalada Boosaaso in ay sii hurinayaan colaadda iyo barakacinta dadka shacabka ah, Sidoo kale waxay sheegeen in aan la xushmayn baaqyadii kasoo baxayay Isimada iyo culimada Puntland.
 

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdiraxmaan Faroole oo ku eedeeyay Isimada gobolka Bari in ay huriyeen colaadda Boosaaso

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ku eedeeyay Isimada gobolka Bari in ay qeyb ka leeyihiin colaadda magaalada Boosaaso.

Senator Cabdiraxmaan Faroole oo saakay la hadlayay BBC Somali ayaa sheegay, Isimadu in ay faraha lasoo galeen arrimo siyaasadeed oo ay ahayd in ay maamulka uga dambeeyaan.

Faroole wuxuu sheegay Isimadu in ay leeyihiin in ay sulux wax ku xalliyaan, balse aysan wax door ah ku lahayn arrimaha siyaasada iyo maamulka.

“Isimadii qoraalka soo saaray iyagaa wax sii fogeeyay, ma aysan qaadan doorkii ay lahaayeen. Waxaad moodaa inay isku ku qasan yihiin doorka ay leeyihiin Isimada iyo doorka dowladda,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

Faroole iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Puntland, sida Cabdwali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid, ayaa kulan ay shalay Nayrobi ku yeesheen waxay ku baaqeen in colaadda loo joojiyo.

Siyaasiyiinta ayaa sheegay in ay sharci tahay xil ka qaadista lagu sameeyay agaasimaha PSF,  balse madaxweyne Deni iyo maamulkiisa waxay ugu baaqeen in hab nabad ah loo wajaho sidii loo dhamayn lahaa colaadda magaalada Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay iney si deg deg ah loo joojiyo dagaalka Boosaaso

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay inuu ka tiiraanyaysan yahay shaqaaqada iyo dagaalka ka socda magaalada Boosaaso ee sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac muwaadiniin aan waxba galabsan.

Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay inuu ku baaqayo in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Boosaaso, isagoona sheegay inuu dhiiragalinaayo dadaalada iyo nabadeynta ay wadaan isimada iyo dhaqan Puntland.

"Waxaan ku kalsoonahay xilkasnimada iyo garashada isimada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo gacan ka hadalka, lana abbaaro dhabbaha nabadda si loo helo xal waara. waxa dhiirrigelinayaa dadaallada nabadaynta iyo wadahadalka ku dhisan ee ay wadaan isimada iyo dhaqanka Puntland ee u istaagay sidii loo joojin lahaa shaqaaqadan, looguna danayn lahaa xasilloonida deegaanka iyo danta bulshada reer Puntland" ayaa yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale  tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoodey dagaalka ka dhacay magaalada Boosaaso, isagoo dadkii ku dhaawacmay alle uga baryayay inuu deg deg ugu booga dhayo, waxaana hadalka madaxweyne Farmaajo uu imaanaya xili labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu dagaal culus ka socday magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   
16 hours ago, Arafaat said:

P.S. any outcome in which the mad family retains position, property or standing in Bosasso, is a loss for Deni.

THis is the test. Any leader that can't defeat his own clan outlaws or criminals can't build the Somali nation. C/qasim allowed his sub clan to threaten peace in Mogadishu, but he decided to avoid confronting them which ended his presidency.

Dani waa ninkii la rabay in Mogadishu madax ka noqdo, ka dibna marka ay qawlaysatadu buuq bilawdo, caasimada Baydhabo la tago oo rag iska dhiciyo.

If he can't eliminate the Reer Bari outlaws how could he defeat the deep seated mafia in MOgadishu. 

By the way,  when it comes to conspiracy, the Reer Bari are masters. THose from Burco or Mudug will punch you in the face and then make a peace, but the Reer Bari fights in eleven ways.

Maybe the Dayaano outlaws are in cohoots with others to derail the chances of Dani getting elected president. Ka cabso Mu'aamarada reer bariga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It seems Deni underestimated this group, who are well trained and well equipped, My creditable source tell PL had massive loss, 100s of their solders dead, to the point Deni's own cousin executing some officers  who refuse to  go this suicide mission.

Galbeedi, XOg raadi saaxib, this is not what seems, and this could have been prevented, if honest brokers intervene, and Deni was not full of kibir, it can get worse if it continues, you remember these are tribes, and will go back revenge killing

Have you seen who is leading PL side? the retard Galan who while back was creating problems in PL? Saxb, xog raadi, I know you can and report back. Deni got rid off all check and balances, that would have stopped him, he is extremely dangerous man, he removed all the MPs , ministers who could say no, and replaced them with yes men.

Ask yourself, why in the world, when PL needs  desperately strong army, you want to fight your best army? how come Gaas/Faroole did not touch these guys, they were not friends but were wiser.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Arafaat   
7 hours ago, galbeedi said:

THis is the test. Any leader that can't defeat his own clan outlaws or criminals can't build the Somali nation. C/qasim allowed his sub clan to threaten peace in Mogadishu, but he decided to avoid confronting them which ended his presidency.

 

In Somali’s clan(or family based) politics your first opponents will be inadeero, adeero, habiyaro iyo Eedo and without beating them you won’t can’t make any difference in the bigger equation. 

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.