Sign in to follow this  
Haashim

Erayada Lammaanaha, Somali Double Words

Recommended Posts

Haashim   

I will start here some Somali double words (erayada lammaanaha af soomaaliga), to encourage other Somalia online team to contribute. We may produce a large collection of these words which could be a value literature book, but I suggest that the words should make sense, not simple words like nin iyo naag , buug iyo qalin etc which have no deep meaning. Instead, they should be either HALHAYS, PROVERB OR NOMAD RELATED WORDS . Secondly, I know Somalia is a big land and we have many different dialectics, so if you want to contribute your local dialectic double words such as maay maay, reer xamar etc you are very welcome. Thirdly, Since the insult is forbidden in Somalia online please avoid the insult or qabiil related words which can harm to any fellow nomads.

Finally, please feel free to ask me any enquiry about these words if you don’t understand, I will add another words when they come in my mind to collect as much as we can to publish a special Somali double words book.

N.B. could you find within these words the names of the two (and perhaps the only as far as I know) Somali films.

 

Bari iyo bogox, Bad iyo barri, Bus iyo ciiro, Babac iyo bannaan, Beliyo baas, Barwaaqiyo baraare, Baad iyo biyo, Baadi iyo ninkeed, Bur yo biyo, -tab iyo xeel, Tuug iyo hillac, Jaan iyo cirib, Jab iyo halaag, Jiif iyo joog, - Xoog iyo xeel, Xaaraan iyo xalaal, Xabad iyo qax, Xiliyo xoolo, Dal iyo dad, Dad iyo duunyo, Dabar iyo hoggaan, Doog iyo abaar, Dab iyo dhagax, Dan iyo xarago, Raar iyo kebed, Raq iyo ruux, Run iyo been, Rug iyo raas,- Samir iyo iimaan, Silic iyo saxariir, Sii sociyo soo soco, Sal iyo raad, Saad iyo biyo, Sool iyo sanaag, Soor iyo seef, -Shar iyo khayr, Shiikh iyo shariif - Dhacdiyo dhalato, Dhab iyo dhayal, Dhaayo iyo dhego, - Cayr iyo ceeb, Cilmi iyo hodan, Cood iyo ciyaal, Cayn iyo bayd, Cisi iyo sharaf, Catir iyo culay, Ciil iyo cadaab, Col iyo abaar, Carruur iyo cirroole, Col iyo abaar- Gudin iyo hangool, Gabbal dhac iyo waaberi, Geeddiyo hayaan, Gaal iyo muslim, Geel iyo gorayo, Gar iyo gardarro, Gacal iyo walaal, -Fallaar iyo qaanso, Fadhi iyo fuud yicibeed, Far iyo fool, Far iyo suul, -Qoor iyo xero, Qab iyo kibir, Qar iyo buur, Quursi iyo qiil, Qays iyo layla,- Kud iyo qanjo, Kab iyo Karin, Kaaf iyo kala dheeri, Kal iyo laab, Kas iyo maag, Karin iyo bannaan, Kir iyo kal, kal iyo mooye, Kas iyo kama`, -Lib iyo abaal, Lug iyo leg, Lab iyo dhaddig, - Mood iyo nool, Miyi iyo magaalo, Marrin iyo masruuf, Milic iyo kulayl, Muufo iyo maraq, Maqal iyo muuqaal, Muruq iyo maan, Mudac iyo maxaar, Maad iyo qosol, Madax iyo manjo, -Naf iyo dhaqaale, Nabad iyo caano, Nacas iyo nin raga, War iyo wacaal, Waaniyo wax sheeg, Wiil iyo walaa, Wadar iyo waaxid, -Har iyo habeen, Hal iyo nirig, Hiil iyo hoo, Harsi iyo hoyaad, Haan iyo habeen, -Yaab iyo amankaag, Yar iyo weyn, - Af iyo addin, Afar iyo tobanka iyo boqolka, Aqoondarriyo eex, Agab iyo miciin, Ab iyo isir, Irmaan iyo horweyn, Onkod iyo hillaac, Oori iyo carruur,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamila   

Salaam Muraad,

 

Maasha alaah Maasha alaah walaahi waa erayo aad u wacan oo jira lakiinse aniga ma haayo wax aan kugu kordhiyo sababtoo ah intii jirtayba in aad soo sheegtay ayaan filayaa koleey waxaan kuugu soo kordhin lahaa halahaan

 

Jaceel<<<<<<>>>>>naceeb

Xumaan<<<<<<>>>>>samaan

Qalad<<<<<<<>>>>>Sax

Qasaaro<<<<<>>>>>Faido

Qurux<<<<<<<>>>>>Foolxumo

Sharaf<<<<<<>>>>>wanaag

Gadaal<<<<<<>>>>>Horay

Nolol<<<<<<<>>>>>Geeri

 

Intaas ayaan Xasuustay ileen waqti ayey igu qadaneeysaa hadii aan ka sii fakaro ileen waa in aan ka fiirsada waxaad adiga soo qortay iyo waxaan soo qoraayo in ay isku nooc noqdaan walaalkiis Muraad,

 

anyways Salaamada ka dheh :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Thanks Kamiila for your reply, but as i say before

words should be either HALHAYS OR NOMAD RELATED ETC. for example gudin iyo hangool, mudac iyo maxaar are nomad related words while raq iyo ruux mood iyo nool are halhays soomaaliyeed waayo waxaan niraahnaa neefkii raq iyo ruux meel uu dhihgay lama helin, ama mood iyo nool wuxuu lahaa qofkaasi wuu waayey etc. so I would prefer such words.

for your words geeri iyo nolol, xumaan iyo samaan are such words but the rest I suspect to be famous HALHAYS. (I could be wrong)

Anyhow keep try i am sure you will find more.

ALLOOW MARKAAD MID NA SIISISD MID HA NAGALA NOQON.

Share this post


Link to post
Share on other sites
CARTAN   

Mudane Muraad:

Fikrad fiican ayaad soo jeeddisay oo loo baahnaa in la hello meel laggu kaydiyo maaxda caynkaan ah,waxayna ahayd arrin xil innaga saarraa waxka qabashadeeda,waanad mahadsan tahay. Aad ayay qaali u tahay maanta ilaallinta iyo dhugsiinta errayada Lammanaha ah ee luuqadeena Hodanka ah.

 

Run ahaantii haddii aad sebbenkan indhaha la sii raac raacdo habdhaqanka dadkeeni,waxaad mooddaa in laggaba sii xarko siibbanayo iska daa wax la soo urrurshee guud ahaan micnaha, ahmiyadda iyo qiimihii uu lahaa Afku(We pay no heed with our own Somali language) Taasina waxa ay inbadan saamayn xoog leh ku yeellandoontaa jiillasha innaga dambeeya haddii aan markaas gacan degdeg ah lagga geysan dhibta haatan taaggan ee ku taxaluqa is-faham la'aanta xagga luuqda iyo ku haddaaqa afafkan qallaad ee aynu ugu soo galnay Waddamadan Reer Galbeedka.

 

Dabcan, ayadoo aan filayo siddii walaasheen Kaamilaba ay sheegtay in aad soo gudbisey Lammaanayaasha qaybtoodii badnayd isla markaasina aannan rabbin in aan haddalka ku sii dheerraado, bal aan isu dayo in aan soo gudbiyo wixii maanakayga ku soo dhaca...

 

Arrin xummi abaar kadaran

Af iyo addin

Awood iyo laxaad

Barri iyo Galbeed

Bash-bash iyo barwaaqo

Baddar iyo galleey

Ban iyo bannaan/kayn

Billic iyo bidhaan

Booddiyo cayaar

Caano iyo ciir

Calimaax iyo Cawrala

Ciil iyo cataw

Cishqi iyo mucaashaq[imo]

Coon iyo carran

Culeys iyo cammeeys

Cuddur ito caafimaad

Dhib iyo dheef

Dhaggar iyo dhugxumo

Dhammac iyo dhimbiil

Dhammac iyo rasaas

Dhaandhaan iyo dhoohanne

Dheel iyo dhallaan

Dhayal iyo dheg xummo

Daal iyo rafaad

Dayew iyo warreer

Dabar iyo shakaal

Deeqsi iyo gocor

Deyn iyo ammaah

Diihaal iyo dacdarro

Dooc iyo dareen

Dulli iyo darxumo

Eex iyo Ihaano

Eersashiyo aayar socod

Faxal iyo farxaan

Fakar iyo wallaac

Farxad iyo naruurro

Garriyo gardaro

Gaban iyo garroob

Gabar iyo caano!

Garyaqaan iyo jaahil

Gelbis iyo arroos

Geesi iyo Hanad

Geesi iyo fuley

Gibliyo cayaar

Gorrof iyo dhiil

Guubaabbiyo waanno

Guur iyo gaabsi

Haddal iyo hawraar

Hebbel iyo heblaayo

Hoog iyo hallaag

Haddal iyo hugun

Heello iyo maanso

Heelan iyo Jeellan

Hiddo-iyo dhaqan

Hooggey iyo ba'ay

Hollac iyo naar

Hoodo-iyo Ayaan

Hoog iyo ba'

Hooyo iyo habsiin/kalgacal !

If iyo aakhiro

Iftiin iyo aqoon

Iil iyo Xabbaal

Jaan iyo cirrib

Janno iyo Caddaab

Jamaal iyo joog

Kaah iyo iftiin

Kaddin iyo bannaan

Karti iyo awood

Kud iyo kaar

Kaftan iyo is-yeelyeel

Kurbiyo xannuun

Kumbis iyo ma dhaafaan

Kusin iyo hayaan

Kuurgal iyo kaadsi

Karrin iyo hillaac (Karrin=Karran,not for cooking)

Lab iyo dhiddig

Maqane iyo moog

Maskax iyo maan

Maammin iyo maammin la'aan

Maangaab iyo gunimo

Maddaw iyo caddaan

Mayal iyo addayg

Mingis iyo masayr

Miciin iyo addeeg

Nasab iyo nisbaysi

Nimco iyo nusqaan

Oomatiyo daryeel

Omos iyo dagaal

Oon iyo harraad

Oohin iyo barroor

Qaxar iyo dhibaato

Qalallaase iyo qax

Qaad iyo sigaar

Qooq iyo jacayl

Quuddarayn iyo quus

Roob iyo raxmad

Rag iyo reer

Rammasiyo barwaaqo

Rafaad iyo raaxo

Rajiyo rayn-rayn

Riyo-iyo soo jeed

Roob iyo rammays

Sarbeeb iyo sirgaxan

Sinaandariyo seeg

Samir iyo iimaan

Saxansixiyo saansaan

Sarbeeb iyo daah[id]

Samme iyo gargaar

Sawac iyo si-loon

Sacsac iyo si-loon

Safar iyo sirdoon

Saked iyo xishood

Sebben iyo waa

Suurrow iyo dhaanto

Sharraf iyo shifays

Taakulayn iyo hoo

Tab iyo Xeellad

Tallo iyo tabbaabusho

Tiigsi iyo taabbid

Tix iyo tirraab

Taxanne iyo taariikh

Tabbaale iyo tiic

Uurku-taalliyo aanno

Uunrays iyo abbeeso

Ul iyo diir

Warsan iyo weersan

Wacan iyo wannaag

Wad iyo callaf

Way iyo to'laa'ay!

Welwel iyo walaac

Wiil iyo caano!

 

Xubbi iyo kalgacal

Xeerro iyo fandhaal

Xinnif iyo xannaaq

Halkaas haynoo joogto caawa...

Caweys Wacan iyo Camal Suuban

 

"INASSALAATA KAANAT CALAL MU'MINIINA KITAABAN MAWQUUTAN!!"

 

...SCS. :cool:

_____________________________________

________________CARTAN_______________

MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS

HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSAN

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

well done mr cartan, runtii ishaad ka riddey si fiican ayaadna u fahantey ujeeddedeyda halkaas ka si wad, laakiin wali suaasheydi lagama jawaabin labadi filim ee soomaaliya wali lama sheegin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

Excuse me Thunder ... did ya say "You were born in a city?

 

Knowing the grammar of the Somali language has nothing to do with being born in a city, namean?.

 

word!

Share this post


Link to post
Share on other sites

salaamu calaykum

 

I think film was rafaad iyo raaxo. And the 2nd one may be cilm iyo caado although I am not sure if cilmi iyo caado was made as film as well. I known cilm iyo caado was rewaayad.

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buubto   

Asalaamu Caleykum WR WB

Muraad waaaaaaaaaaw gacan yaan kuu tagay. topic wanaagsan waaye lakin akhoon saa u sii duruqsan somali words uma lihi. just look this am i right:-

Unsi & catar

Batarool & gaari

Xalwo & sokor

OOmo & dhar

Cuno & goos

Jiko & Alaab

Af & Hadal

Buraanbur & Gurbaan

Sacab & Dhaanto

Digsi & Dab

Hilib & Laf

Keyboard & Computer

Dumar & dahab

Qaac & dab

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Well done buubto you're trying sister, at the end we will collect the the best ones and most famous double words, so who know we may pick several from you try again and don't hesitate to ask any question about this subject.

The only thing i can assure you is that Mr. Cartan got the idea. what we need is famous halhays or nomad related words to keep these words in one book.

Mananlagaraadbaa you've tried but it's not right answer try again you can find in my words.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saabir   

Muraad and Cartan I applaud your deep knowledge of the Somali:) well done guys.

Let me try to write a few:

 

Caruur iyo ciroole

Caamo iyo waxgarad

Tin iyo cirib

Far iyo faraanti

Miyo iyo Magaalo ( that was the film's name!)

Laf iyo cambe smile.gif

Juuq iyo Jaaq

Lilaahi iyo laqdabo

Muruq iyo maan

Dameer iyo Labadiisa daan

Ismadhaanto iyo dhasheed!

Ull iyo diirkeed

Nin iyo garaadkii

Taag iyo tamar

Dhib iyo dheef

Hiil iyo hoo

Dhab iyo dhalanteed

 

I couldn't write more than that.

 

Thunder: The somali language isn't only for those who were born in the countryside!! :(

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Well done silent you got a lot and also you got one of the films, where is the other one? saas ku sii wad try again kuwaanna ka warran.

Goray iyo haldhaa

Gulf iyo colaad,

Gudcur iyo habeen

Golos iyo gacantaag

Meel baas iyo reero muskood

Walwal iyo walaac

Wareeg iyo waabatiris

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this