Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Farmaajo oo bad-baadiyey mustaqbalka siyaasadeed ee MURSAL

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa badbaadiyey mustaqbalka siyaasadeed ee guddoomiyaha baarlamanka waqtigu ka dhammaaday Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Maxamed Mursal, oo tan iyo markii uu qabtay xilka guddoomiyaha baarlamanka ahaa adeege edban oo ka amar qaata Farmaajo, ayaa halis u galay inuu kursigiisa ku waayo xurguf siyaasadeed oo kala dhaxeysa madaxweynaha Koonfur Gableed Cabdicasiis Lafta-gareen. 

Maxamed Mursal ayaa waxaa sidoo kale diiday odayaasha beeshiisa, oo ka careysnaa inuu kursiga iyo xilka guddoomiyaha baarlamanka ka dhigay mid shaqsi gaar ah loogu adeego, wuxuuna mar ku fakaray inaanu tegin Baydhaba, oo aanu is-sharxin. 

Hase yeeshee, Farmaajo ayaa cadaadis xooggan saaray Lafta-gareen kuna qanciyey inuu Mursal soo saaro, isaga oo u sheegay in haritaanka Mursal ay astaan u noqon karto in xulafadiisa siyaasadeed ay guul-darro ku dambeeyaan.

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa la sheegay in badbaadinta kursiga Mursal geliyeen dadaal iyo lacag badan oo lagu aamusiyey qaar ka mid ah odayaashii diidanaa.

Dadaal dheer kadib Mursal ayaa Talaadii la siiyey shahaadada musharaxnimo ee kursiga HOP56, waxaana la filayaa in dib loo doorto maadaama aysan jirin musharaxiin miisaan culus oo kula tartami doona.

Farmaajo ayaa abaal weyn uga haya Mursal sida uu ugu adeegay muddadii uu kursiga ku fadhiyey, isaga oo gacan ka siiyey in si sharci-darro ah xilka looga tuuro ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, sidoo kalena u ansixiyey muddo kororsigii sharci-darrada ahaa ee dagaalka geliyey Muqdisho.

 

The post Xog: Farmaajo oo bad-baadiyey mustaqbalka siyaasadeed ee MURSAL appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this