Sign in to follow this  
CARTAN

Qaali, Qaali-Luul ama Quman !!!( Hees )

Recommended Posts

Kamila   

Loooooool Indhodeeq Minyaro aa maya dheh minwayneeyda sis..lol iyaa u didn't come for us in here girl u said Jamaal and cartan lol But anyways thnx sister girl and wlc to this side,

 

Maandeeq thnxx macaanto

 

_______________________Kamila

Dhagdheer dhimatee dhulkii nabadee,

Share this post


Link to post
Share on other sites
CARTAN   

Sallaan Kal iyo Laab ah marka hore, waanna tan Heestii oo aan halkii innooga sii socota..

 

~ QAYBTII 3AAD ~

 

Qaayo waxa leh wiilkii

Qabuulkaaga hella ee

Ubax kugu qaraqa ee

Aroos kuu qotomiyee

Quruufka iyo geeliyo

Allabari qalaayoo

Culimadu quraankiyo

Qayr kuu baryaanoo

Qoys aad unoqotoo

Qaasin iyo Qamar iyo

Ubad aad uqaadoo

Qasar aad uweyn iyo

Qalcad kuu bineeyoo

Bada qoorigeediyo

Webiyada qarkoodiyo

Dalxiis aad laqabatoo

Qaaciga macaaniyo

Kuu tuma qaraamiga

**** ^^^ ^^^ ****

 

Gabadhaanse qiimiyo

Qaayo kale lahaynee

Ummadana qaderineyn

Quruxdeeda laga roon

Intaan qawlku iga dhicin

Qisadaada ii sheeg

Qunyar hadalka ii dhiib.

Miyaad qaylo badan tahay?

Qaxar miyaad taqaanaa?

Qiyaanada Haweenkiyo

Qidad miyaad ciyaartaa?

Mise qaari-baad tahay?

Loo dhigay qur'aankoo

Waalidkeed qaderrisoo

Qawlkii Illaah garan..

 

Waa socotaa... smile.gif

 

....SCS.

________________________________________

_________________CARTAN_________________

MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!

NABAD IYO CAANO YAA HELLA CAMAL WANNAAGGOODA...

Share this post


Link to post
Share on other sites
CARTAN   

Indhadeeq,thanks and Wlcm... But how about

other friends? don't u like th..e..m ...lool, get them to know how eminence thy're here

Anyway.Let me take into account that u were in the other sections of the forummmmm.

 

Kamila, waxbaa ka dhacay waayo waayo ayaa xussuusteyda ku soo noqnoqota markii aan hallacsado Maahmaayadeena macaanka iyo murtida badan. It reminds me how brilliant our intellectual ancestors were, oo Mahmaahbaa ahayd " Rag waa raggii hore haddalna waa intuu yiri" Inkastoo ay u muuqato in aannan rumeysneen orraahda ah " Rag waa raggii hore " Balse orraahdan ah " Haddalna waa intuu yirri" Actually,qaybbiyan wax ahaan waa ka rumays nahay waayo,Afkiibaa Juuqda Gabay ayay xaajo joogtaa sebbenkan xaadirka ah.

 

Afkii Hooyo waa u jeednaa in uu sii liicayo,wax laggu soo darray ma arragteen beryahaandambe siiba marka aynu indha-indhayno dhinaca arrimaha " Technology-ga" ? Qofka Somaliga ah waxaa dhib iyo carqallad ku ah siddii uu miidaan ugu helli lahaa dhinaca Errey Bixinta iyo xajmiga ay hawluhu ku socdaan... Dear Kamila,

thanks for your great effort, and my Allah bless your heart. I learn a lot from that.

 

Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye

Sida hallo kareebaan saqdhexe soo horranayaaye

Sida ubadku hooyada u tebo kuu hafeeftamaye

Hadii aanan ku lahayn yartaay kuma haleeleene

Habeenkii yimaadaba lixjeer kuma hor joogeene

Hal abuurka kuumaan tirsheen heeska caashaqa'e

..............................................

...............................................

.........AABBIHII JACAYLKEE ABBABSHEY GEED CAASHAQ. " CILMI BOODHARI" alloow kuu naxarriso!!!

 

....SCS.

________________________________________

_________________CARTAN_________________

MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
petite   

Jamaal and Cartan..Job well done!!. Granted, I have to read twice before i understand it..but it's really worth the effort!!!!. Keep them coming!!.

Cartan...plsssssssssss...get started on part three already, i'm in suspense here!

Share this post


Link to post
Share on other sites
MaandeeQ   

lool @ Indhadeeq It's all good as long u come. Enjoy it dear ;)

 

Jamaal-11, don't let me catch ya while u r undermining ur ability to excel in our lovely language, aight? :mad:

 

Petite, the more u do it the easier it gets, blv me sis. Keep it up walaalo smile.gif

 

Cartan, soo wad hee sxb, qoortaada xor ma ahaneeee ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
CARTAN   

Mar uu marayey meel waddo ah ayuu si lama filaan ah isha oggu dhuftay xabbadii laga raacay,

Hiq! markii hore waa yar naxay wuxuuse isu qalciyey in maanta ay tahay maalin aannu dhaafi karin fursaddaas qaaliga ah ee ee lama dhaafaanka u ahayd.

 

Wax yar uun ka hor intii aysan is-wajihin Ladan,ayaa Caamir iyo saaxiibkiis Qaalid meel yar oo dalcad ah oo shaaha inta badan ey ka cabbi jirreen waqtigana ey isu dhaafin jireen ayay fadhiyeen isla markaasina waxay si fiican ogga wadda baarraandegeen hawlo badan oo ogga baahan in ey xagliyaan isla mar ahaantaasina helaan waddiiqii ey isaga furdaamin lahaayeen,arrintaas

waxaa oagu horeeya Barxaddaha cishqiga ee ey dhex dabaalanayaan.

 

Xooggay daqiiqaddo ha kadibna waatan ey Caamir wajiga is-darreen gacalladii uu inta badan ku hammiyi jirrey ee uu sidda ba'an ogu hanweynaa.

Haddalo ayaaney is-dhaafsadeen. Arrintaas asaga oo saaxiibkiisa garrabka middig oga warammaya ayaa waxa uu ku billaabey in arrintu ey u dhacdaysidaan.

 

Xawli ban ku socdoo

Waxaan xaamkim u doontey

Meel aan xaafadku ool

Xooggiisa Jacaylka

Anni waaban ku xiiqay

Xannuunkuu igu reebbay baa

Isii xallufsheyoo

Beryahaanba xilkaygu

Waa soo xaddiidnaa

Anna xeel aan ku dhaafo

Ma aan soo xarrakeyn

Xalna ma aanan u raaddin..

.....

 

Haddalkii asaga oo wata ayaa sxbkiis ka soo dhex gallay si uu bal wax ogga oggaado sidda ey wax u jiraan amaba ey u dheceen. Caamir oo haddaba haddalkiisa aan oodda ka qaddin isla markaasina maldahaya arrinka ayaa ku soo laabtay booskii haddalka, oo yirri;

 

Waxan Xaawo u sheeggay

Haddal aan xalladeeyey

Oo aan soo xullayoo

Xardhan oo la habbeeyey

Xushmadloo naxariis leh

Xawligiisa Jacaylka

Haddii aan ku xussuus'sho

Mar xaggaaga hortii

Billow xaafadda dhaaftay

Addigoon xogba hayn

Ama xaajo ka bood ah ( kullankoodu waa horreeyey)*

Arrinkaas arrakaysan

Ladan may ka xumaan

Waxay soo xurguf siisay

Haddal aanan fileyn

Oo xoorkiisu wacnaa ( haddallada waa QRSNYHN )*

Harreerbay ka xarriiqday

Waxay Xaawo haddal tirri

Xeellad baa la rabbaa

Xannaaqna loomaba baahno

Dadku waa xannibmaan

Xulluulbey mar gallaan

Dadbaa xaakim u baahda

Markay xoog ku marraan

Meel xeerkeeda jabshaan

ayagoon xogba hayn

 

Jacaylkaad ku xarriiqdo

Addigoon xasilleen

Ee aad meel xun ku tuurto

Mar-buu xaal ku marshaa

Ama kaa xayirmaa

Xaallad aaddan fileen

Ayaad xoog ku gashaa.

........

TO BE CONTINUED...(HEI)

 

Jacayl baa I laacoo

Leeleey I geliyoo

Lugta iyo gacmaa iyo

Luquntii is raacshoo

Laalaabka xadhigii

Dhan walbaba ka liifshoo

Jarka laagta dheer buu

Laashintii qaloocdee

Lulmanaysay ila helay

Laabtiyo jidhkaa nool

Ma se luudin karayaan?

..................

N..A..B..A..D..EE..EE..EE..Y..Y

 

F.G. MaandeeQ aar heestii lee igu dhex go'day hee,though it seems I got myself into a huge predicament ... Sagxadda inta meesha lagga qaaddayo leen suggaa.

 

MaamdeeQeey;

Ganafkaa laygu jiiddoo; Gam'i waayey caawee!

Garrab waxan ka suggayaa; Mid aan goonni u ahaaye

Hawraarta guud iyo; Ma aan seeggin gollihiiye

Hayeeshee garradkaan ka irri; Gaagax haddalkiiye

............ smile.gif

 

....SCS. :cool:

________________________________________

_________________CARTAN_________________

MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
MaandeeQ   

predicament u said??!!!! NONSENSE

 

Allow me to copy UR style n say.....

 

CARTANOW SXB, HA QOOMAMEYN HANA QUUSAN

QALBIGAAD IIGA TAAL QAALIYOW

QOWLKA HALKAA KA SII QADAANQADI....LOOOOOL

 

OOOh boy! redface.gifredface.gif what have I got myself into :confused: :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
CARTAN   

Salaamu Caleykum W.W.

Waa Heestii taxanaha ahayd oo aan ka sii ambaqaadno halkii ay ku sii shakaalnayd.

~ QAYBTII 4AAD ~

 

Qaali hadalki waxay tidhi

Gurri inaad qalqaashiyo

Hadaad qoys samays tahay

Maxaa qoob ciyaarkiyo

Laabta isku qabadkiyo

Quraafaadka kugu wada?

Ibrona waygu qayshoo ( Ibro=Ibraahim )

Qisadaan fashilinoo

Qoladaa tumaysiyo

Qolka oo dhan gaadhsiin

Wadaadkii qatalanyeey!!

Qosolbaa lawada dhici!

Anniguna qasooboo

Arrin iggu qaraarraa

Qunyar dhuumo caawiyo

Qaarad kale ma aaddaa

Ibro qoolka haygelin

Armay gabadh laqabo tahay

Qaynuunka jebisiyo

Xaal laygu qaadaa!

Dabeed maxamed iga qabay

Arag inaan qadbaan ahay

Qawi wuxuna kaga dhigay

Inaan hadalka qoomkaas

Qaaradaha ka kala yimid

Qurbuhu isu keeneen

Qisadayda lagu fiddin

Ibro waa nin qaxaroo

Waxba kuma u qaadane'

Qisadii madhaafine

Isna sidda qumbuladdii

Hiiroshiima lagu qubay

Qac kasii warkaygii!

Iyo qaaruu kusii daray!

Qisadaydii la ogaa!...

.............

 

Waa Socotaa...(HEI)

MaandeeQ,thanks for just more than I could say & may Allah bless your heart with his graceful mercy! I tremendiously consider you as one of those respecful Somali sisters smile.gif

-------------------

 

"INASSALAATA KAANAT CALAL MU'MINIINA KITAABAN MAWQUUTAN!!"

 

 

....SCS. :cool:

________________________________________

_________________CARTAN_________________

MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nomadman   

Cartan maansha allah, war ninkan saleemaan la yidhaah kamaba yareesto hadraawi e. waa maxay heeskiisu miyuunanba ´kala goánbe ma daad durdurayaa, ma biyo burqanayaa, ma tog soo rogmanayaa ma hee lol...

 

Bal waan soo noqon doona oo mar kale idiin soo booqan doona hadduu Ebbe idmo. Nabadeey akhiyaar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
CARTAN   

Asallaamu Caleykum W.W.

Mr.Nomadman, sxb sallaan marka hore.

Marka labaad waxaan filayaa in aad la yaabtay dhererka Heeskaas aan soo qaatay. Waxaa iska jira qaar ka mid ah Abwaannada oo aan iyagu kalaba joojin haddii ay u tabaabusheystaan xagga Suugaanta, waxanad is-weydiineysaa su'aalaha aad kor ku xustay iyo qaar badan oo la kale, sababtuna ay tahay Afkeena oo Hodan ku ah xagga Suugaanta isla markaasina aan kaa kala go'ayn haddii aad istiraah meeshaas u socdaal addoo addeegsanaya Suugaantiisa. Waa sidda jid dheer oo aad dammacday in aad safar ku marto balse aan dhammaad lahayn, ninka daalaba waa addiga.

 

Dadkuna isu meel ma wadda maraan oo koley waatii horay loo yirri...Haddalna la kala orran Og Illaahna la kala baryi Og..

 

Sababta aan u soo qaatay ayaa waxa ay tahay Abwaannadu waxay heli ogyihiin orraahda haddalka. Midda kale sidda ay ila tahay,tani waxa ay reebaysaa oo ay xaglaha u laabaysaa dadka aan Af-Soomaaliga naxwiihiisa aqoonta fiican u lahayn oo dhan..Naxwuhuna inta badan wuxuu sahlaa haddalka oo aad si dhibyaraan ah u haleesho.

 

Abwaan Hadraawi, koley waa gabyaa caan ah, oo maansooyinkiisu aanay kalaba joogsan sidda aan ku arkay melo badan. Suleymaana soo kale in uu yahay ayaan filayaa. Balse Suleymaan ma ahan nin caan ah oo la yaqaan. Wuxuuse leeyahay Maansooyin tayodoodu sareyso....

 

F.G. Mr Nomadman raali ahaw sxb haddii aan galay baab aan loo baahneyn.

...SCS. :cool:

___________________________________________

___________________CARTAN__________________

MAALLINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS!!

HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSAN!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nomadman   

Cartan: Sxb Salaantaad igu sharaftey mideeda oo kale iga gudoon adna bal. Marka xigtaa, waxay somali ku maahmaahdaa " Hadal nin dheereeyey ma wada odhan, nin yareeyeyna kamuu wada tagin" Horta baab aan loo baahneyn maadan galin. ee waa fiican tahay in wax walbo oo aduunka yaala la wada gorfeeyo. Runtii Heestu aan kala go'eyn waxaan is lahaa maalin uun buu noo sheegi doona guul ama guul la'aan halkuu ka gaarey gabadhii sida layaabka leheyd Saleemaan qalbiga uga qabsatey.

 

Aan ku soo laabto Maahmaahdii aan sheegey ee waxaan uga gon leeyahay: Hadraawi heeso dhaadheer sida Baladweyn ayuu tiriyaa. Markaad heesta eegto inta badan waxaa ka buuxa waxyaalo aan Partinent ku ahayn sheekada meesha taal " Wabigoo butaacoo, beeraha waraabshoo, badarkiyo galeydii laga tuurey baalkoo, canabkii bislaadoo, ... lagu waabariistoo reeruhu ..." intaas oo hadal ah, waxaa soo uruurin karta " Dhulka oo barwaaqo ah. Please leave something to the imagination. I like my food raw, I don't like someone to chew it and spit it out for me. Nuxurkaa ka dhamada. Marka Hadraawi waxa uu ku soo korey dhul carbeed oo uu wax ku soo bartey, carabtuna hadaad heesahooda fiiriso aduunkoo dhan intey soo xaaqaan bey hortaada keenaa. Bal hada ma xuusan karo hees kale oo kooban oo aan barbar dhigo tan hadraawi, lakiin waa muush inta heesood ee uu ninku tilmaamo gabadh iyo sidii u caashaqey iyo siduu u waayey.

 

Ka soo qaad Boodhiri jacaylkiisu sidaa hadraawi ayuu dhab ahaa. lakiin meesha uu Boodhiri ugu dhintey huqdii jacaylka markuu waayey hodantiisii, Hadraawi gaadhi kale intuu raacey uma raadsan Beerlula. Marka iyadoo labada nabar ee labaada nin hayaa aan saa isu soo barbar dhigey ayaa hadana Cilmi Boodhiri isagoo waxba ka tagin uu na tusiyey jacalkii uu hodan u qabey. Lagaba yaabee labo ama sadex bayd kaliya inuu nagu dareensiiyey jacalkaas. Meesha hadraawi naga buuxiyey labatan xashiyood.

Marka, Nin hadal badiyey ma wada odhan, nin yareeyeyna kama wada tagin ayaan ku odhan lahaa Sxb. :D

 

Halkaas ka sii wad sheekadii, hadduu eebe idmo waan soo laaban marey ahatoba

Nabad iyo naruuro

Share this post


Link to post
Share on other sites
CARTAN   

Asallaamu Caleykum W.W.

Mr.Nomadman...Waa mahadsan tahay...sxb smile.gif

Nomadman....Dabcan waa runtaa in marka si loo fiiriyo Heeska Beledweyne(Beerlula) qaybteeda tibaaxaysa nimcada ay ku haboonayd amaba ay soo koobayso ...Dhulka oo barwaaqo ah...balse inta badan mu'alifiintu waxa ay doorbidaan in ay sii naashnaashiyaan hawsha ay faraha kula jiraan si ay dadka ugu bayaamiyaan waxa jira, iyagoo isla markaasina beyd walba sii labban laabbaya amaba atleast saddarkiiba ku sii siyaadinaya ilaa shan saddar iyo ka badan. Balse maxay haddaba u indho indheyn waayeen Maahmaahdaasi qiimaah leh ee aad ina soo xussuussisey? Maadaamo ay nahdu ka

dhumayso meelaha qaar, lagana yaabo in sheyga aad akhrinaysaayi kugu aabuurro caajis iyo waxyaabaha la midka ah.

 

Midda kale waa runtaayoo, Cilmi iyo gabayadiisa uu ku sifaynayo Cishqigii ku barbaarray bogga iyo laabtiisa, marka aad si wacan u dhuuxdo, waxa aad isla markiiba garwaaqsanaysaa nuxurka ku jira gabayadiisa iyo sidda hufan ee uu uga hadlayo dhibkii soo wajahay.. Ha dheeraado gabaygu amaba yuusan dheeraane, haddalada Cilmi oo dhan ayaa waxaba ahay ahaayeen/yihiin kuwo aan la dhayalsan karin.

 

Xagga Suleymaan iyo nasri iyo nasiib darro, bal meesha uu ku dambeeyo waynu isla eeggi doonaa inkastoo uu sheekada isaga laftiisu inoo naashnaashiyey isla markaasina mawjadaha Heesku aan filayo in ay noqdeen kuwo sii dabba dheeraaday unna muuqaal eg mid aan dhammaanshaba lahayn. :eek:

 

..F.G..Bal waan soo gudbin doonaa Heeskii maalmaha xigga haddii Eebbe Idmo Insha'allaah, Raali iga ahaada intaas, waqtiga oo igu yar aawadeed.

...SCS. :cool:

___________________________________________

___________________CARTAN__________________

MAALLINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS!!

HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSAN!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
CARTAN   

Asallaamu Caleykum W.W...

QAYBTII 5aad iyo Gunaannedkii Heesta.......

--------------------------------------

Qadar maalmo dabadeed

Hudheel yaroo qarsoonoo

Qaarradeenu leedahay

Ibro iyo Xuseeniyo

Qaar ima kaxaynoo

Qaddo sow umaan tegin

Samsam qadada noo keen

Xabashida qalaadka ah

Qolka ciddi majoogtoo

Annagaa ka qaalbiba

Heestooda naga qaad

Noo saar qaraamiga !

Xuseen hadalka qabadsii

Iyana qaayib bay tidhi

Arintoo quman ahoo

Qoloqolo kaftanahiyo

Qurbihiyo dhibkiisiyo

Qisas lagu jiraayo

Dadku wada qoslaayaan

Qaali sowma soo gelin

Qac ishii kumaan siin

Hadalkii iga kala qubay

Baarliiney qadadii

Qudradii macaanayd

Maangihii qaboobaa

Qanac bayga galayoo

Qaad qaadad mooyee

Waxba kama aan quudane

Cishqigeedi gabadhaas

Qiiru igeliyoo

Salaadii qasqaasoo

Ma qushuuci karayee

 

Yaasiinow quraankiyo

Qawlkii Rasuulkiyo(SCW)

Maalintay quruumuhu

Qaawanaan is taagaan

Suurku qayliyaayee

Qabriyada lasoo fadho!

Qaxarkiyo dhibaatada

Qofna aan qof eegeyn

Qaarricada naartiyo

Qiyaamihii xusuustoo

Qaladkaan sameeyaan

Dib u qoomameeyoo

Qaaf iyo wuduur iyo

Qulacuudiga akhriyey

Qawiyoow illaahow

Adigaa qufuur ahe

Noo qafiifi Umuuraha

Cadaabaha hanagu qubin

 

Dhammaad.........! ;)

Wamaa Tawfiiqi ilaa Billaah.

 

Tixgelin;

Suleiman.....

"INASSALAATA KAANAT CALAL MU'MINIINA KITAABAN MAWQUUTAN!!"

 

...SCS. :cool:

____________________________________________

____________________CARTAN__________________

MAALLINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS!!

HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSSAN!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this