Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Cagjar vs Gaas

Recommended Posts

Mustafa Cagjar oo Cabdiweli Gaas ku eedeeyey shirqool yaab leh oo ka dhan ah... 

Madaxweynaha dowladda deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar oo wareysi siiyey Telefishinka EZ ayaa eedeymo yaab leh u jeediyey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Cagjar ayaa ku eedeeyey Gaas uu dhinaca xuduudda Puntland iyo deegaanka Soomaalida kasoo geliyey ciidamo islamarkaana uu duulaan ku yahay amniga deegaanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa jira isku dayo ay TPLF rabeen inay ku dhibaateeyaan deegaanada Soomaalida, waan ka hortagnay, waxaa kamid ah shirkii Washington ka dhacay ee lagu abuuray 9 urur, arrintaas waxaa dabada ka riixayey taageerayaashii hore ee Cabdi Iley, kuwa aan u dhallan deegaanka oo kasoo jeedo Puntland sida madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas oo shir ku qabtay Washington, islamarkaana ku aruuriyey lacago,” ayuu yiri Madaxweyne Mustafa. 

Ma cadda sida uu Gaas ku abaabuli karo ciidanka uu sheegay Cagjar, maadaama uusan iminka wax xil ah ka hayn Puntland iyo Soomaaliya inteeda kale.

Madaxweyne Mustaf ayaa sheegay in TPLF ay dhibaato xoog leh uga tageen deegaanada Soomaalida, wuxuuna sheegay in dhibaatooyinkaas la abuuray marar badan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in waxyaabihii lagu go’aamiyey shirkaas ay qeyb ka aheyd in la kala jabiyo ciidamada maamulkiisa, islamarkaana ciidamo kale laga soo geliyo dhanka xuduudda, isagoo xusay inay la wadaageen hay’adaha sirdoonka laguna guuleystay in la fashiliyo.

Madaxweyne Mustafe ayaa xusay in dowladda Mareykanka ay gadaal ka riixeyso shirqooladaan si ay Itoobiya ugu ekeysiiso meel dagaal oo gabaad u noqota argagixisada.

Dhanka kale, wuxuu tilmaamay in Dowladda Kenya ay qeyb ka tahay qalqal gelinta lagu hayo Itoobiya, wuxuuna sheegay in Nairobi ay ka dhaceyn shirar lagu taageerayo TPLF.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay inay soo wajahday cabsi xoog leh oo ku saabsan in dagaal looga soo qaado dhanka Soomaaliya, isagoo si gaar ah u sheegay in kooxda Al-Shabaab laga yaabo inay dagaal kusoo qaado gudaha Itoobiya.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Arafaat   

The Somali region of Ethiopia seems to be currently the most stable region in Ethiopia, and the perpetual fear people constantly faced for violations, abuses, tortures seems to have ended, with people enjoying more freedoms t then before. Freedom is hard-won and hard-kept, and undoubtedly there is still a long road ahead for the region and it’s people.  
 

But if they let others threaten their hard-won gains and freedom loses its foothold, then the region might return to become the repressive, unstable and miserable place that it was, I hope it won’t. 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cagjar aka Abtigiis wuu waashay. He is the most fervent supporter of the failing Amhaara regime.

Very sad situation to see him turn into the most loyal Danadhilif you could ever find for Amhaara. He is fighting a loosing battle to save Ethiopia from collapse. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Puntland iyo snm waxay labaduba ka midaysan-yihiin inaysan ku talo noqon koonfurta amaba ka go'aan. 

Tigreeguna wuxuu ahaa maamulka kaliya oo fududayn jiray in somaaliya daciif ahaato waligeed.

Hadda waxay heleen kenya oo in badan isku xoqeen, laakiin booskii tigreega oo xidid iyo xigaalo dhaw la ahaa ma buuxin karaan.

Cagjar nin waalan ma'ahan ee wuu garanayaa qaabka maasuunigu u maamulo dunida.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.