Sign in to follow this  
Deeq A.

Gantaal cusub oo Shiinuhu tijaabiyay oo Maraykanka Joog & Jiifba u diiday

Recommended Posts

Deeq A.   

Gantaal cusub oo Shiinuhu tijaabiyay oo Maraykanka Joog & Jiifba u diiday

Gawaarida xambaara hubka xawaarihiisu dheereera ee Shiinaha
Gawaarida xambaara hubka xawaarihiisu dheereeyo ee Shiinaha

Warka ah in Shiinuhu tijaabiyay gantaal cusub oo xawaarihiisu dheereeyo oo awood u leh inuu xambaaro nukliyeer ayay dadka qaar ku tilmaameen inuu yahay mid wax ka beddelaya tartanka hubka kaas oo ka yaabiyay saraakiisha Mareykanka.

Haddaba intee ayuu le’eg yahay baaxadda hubkan, ayaa la weydiiyay Jonathan Marcus oo ka tirsan Machadka Istiraatiijiyadda iyo Amniga, ee Jaamacadda Exeter.

Sannadkan guduihii laba jeer ayuu milatariga Shiinaha gantaal u diray hawada sare kaas oo ku wareegay dunida ka hor inta uusan si xowli ah ugu dhicin bartilmaameedkiisa.

Tibaajintan Shiinaha ayaa imanaysa iyadoo dabayaaqadii bishii aynu soo dhafnay ay Pentagon -ka Mareykanka sheegeen in Mareykanka uu ku guuleystay tijaabinta gantaal aad xawaarihiisu u sarreeya oo shan jeer ka dheereeyo xawaaraha codka. Gantaalka ayaa laga sii daayay diyaarad ilbiriqsiyo uun ka hor inta uusan matoorkeedu bilaaban.

Waa tijaabadii ugu horraysay ee noocan ah ee uu Mareykanku ku guuleystay tan iyo sannadkii 2013-kii.

Tijaabadan waxay dhacday iyada oo Mareykanka iyo xulafadiisa caalamiga ahi ay sii dardar gelinayaan sidii ay u sameysan lahaayeen hub isku -dheelitiran.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo falanqeeyayaasha Mareykanka ayaa ka naxay horumarka muuqda ee Shiinaha, inkastoo xukuumadda Beijing ay durbaba beenisay warbixinta ku saabsan inay si xawli ah u hormarinayso hubkeeda xambaara nukliyeerka.

Hubka xawaarihiisa sarreeya ayaa in ka badan shan jeer waxa uu ka xawaare sarreeyaa dhawaaqa, haddii aan si kale u dhigno waxa uu saacaddii jarayaa xaawaare gaaraya 6,200 oo kilomitir saacaddiiba.

Presentational grey line

Maxay yihiin hubka ICBMs iyo FOBS?

ICBM waa gantaal riddo dheer oo ka baxa jawiga dhulka ka hor inta uusan dib ugu soo laaban, isagoo raacaya dariiqa bar-tilmaameedkii loogu talagalay.

Nidaamka Bambaanada ee Orbital ama FOBS waxa uu gantaalada u soo mariyaa dhulka si ay u garaacaan bartilmaameedyada iyagoo isticmaalaya dhinac aan laga filayn.

 

Runtii bilihii la soo dhaafay tiro saraakiil sarsare oo Mareykan ah ayaa tibaaxay in horumarka noocan ah ee Shiinaha uu yahay khatar culus.

Diagram showing arc of ICBM v hypersonic
Presentational white space

Nidaamyada FOB ma aha kuwo ku cusub.

Fikradan waxaa sii waday Midowgii Soofiyeeti intii lagu jiray Dagaalkii Qaboobaa waxaana hadda ay u muuqataa in Shiinaha uu soo nooleeyay.

Waxa uu Shiinuhu u muuqdo inuu sameeyay ayaa ah in la isku daro farsamada FOBS iyo tan hypersonic – waxay maraan cirifka sare iyagoo ka fogaanaya radaarka iyo difaaca gantaalaha . Laakiin sababtu maxay tahay?

“Beijing waxay ka cabsi qabtaa in Mareykanku uu adeegsan doono aaladaha casriga ah ee isku -darka awoodda nukliyeerka ee la casriyeeyay iyo difaaca gantaalada ,” ayuu yiri Mr Lewis.

“Haddii Mareykanka uu marka hore garaaco Beijing, nidaamka difaaca gantaallada ee Alaska waxaa laga yaabaa inuu awoodo inuu xakameeyo tirada yar ee hubka Nukliyeerka Shiinaha waana sababta ay uu Shiinaha u sameysanayo gantaallada ay adagtahay inay qabtaan difaaca hawada.”

Dhammaan quwadahii waawaynaa ee nukliyeerka waxay horumarinayaan nidaamyadooda laakiin wuxuu midba midka kale u arkaa si ka duwan kuwa kale, ayuu yidhi Aaron Stein.

Beijing iyo Moscow labaduba waxay u arkaan in hubka xawaarihiisu sarreeya ee hypersonics ay yihiin hab lagu hubinayo jabka difaaca gantaalaha, ayuu aaminsan yahay. Laakiin taa bedelkeeda, Mareykanku wuxuu qorsheynayaa inuu u adeegsado inay ku garaacaan waxa loogu yeero bartilmaameedyada adag sida waxyaabaha taageera xakameynta nukliyeerka, iyagoo adeegsanaya madaxyada caadiga ah ama kuwa aan nukliyeerka ahayn.

Gantaalka xawaarihiisu sarreeyo ee Ruushka
Gantaalka xawaarihiisu sarreeyo ee Ruushka

Qaar ka mid ah dadka u ololeeya casriyeynta nukliyeerka Mareykanka ee degdegga ah ayaa u arkay tijaabooyinkii Shiinaha ee ugu dambeeyay inay yihiin kuwa la yaab ku noqday Mareykanka.

Laakiin khubarada qaar ayaan ku raaci doonin in tijaabadan uu Shiinuhu sameynayo ay tahay halis cusub. James Acton oo ka tirsan Carnegie Endowment for Peace International ayaa sheegay in Mareykanka uu u nugul yahay weerarka nukliyeerka ee Shiinaha tan iyo ugu yaraan 1980 -meeyadii.

Laakiin wuxuu u malaynayaa in barnaamijyada Shiinaha, Ruushka iyo Kuuriyada Woqooyi ay si xoog leh uga adkaadaan difaaca gantaalaha ee Mareykanka ay tahay arrin Mareykanka ku khasabeyso inuu dib uga fiirsado haddii jiraan heshiisyo xaddidaya difaacan oo kale.

Mr Lewis wuxuu ku nuuxnuuxsaday in waxa ugu muhiimsan hadda ay tahay in Mareykanka uu gaaro gabagabada saxda ah.

 

Caqabadaha ka imaan kara Ameerika dhammaantood waxay rabaan inay casriyeeyaan oo kor u qaadaan hubkooda nukliyeerka.

Dhammaan dadka Mareykanka la talinaya ayaa doonaya inuu casriiyeyo oo kor u qaado hubkiisa nukliyeerka.

Hubka Shiinaha, si kastaba ha ahaatee, wali waa uu ka hoseeya kan Mareykanka. Laakiin walaacyada ku saabsan difaaca gantaalaha Mareykanka iyo nidaamyada nukliyeeka ayaa waxay ku khasbeysaa in dhammaan ay casriyeeyaan.

Kuuriyada Woqooyi sidoo kale waxay ku dadaaleysaa inay casriyeyso awooddeeda nukliyeerka,. Sida uu qoray Ankit Panda oo ka tirsan Carnegie Endowment, Waxay sidaasi u sameeynayaan in mustaqbalka ay helaan awood dheeri ah.

Putin iyo saraakiisha difaaca
Putin iyo saraakiisha difaaca

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this