Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin ka mid ah dadka loogu raadinta badan yahay Caalamka oo Gacanta lagu dhigay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin ka mid ah dadka loogu raadinta badan yahay Caalamka oo Gacanta lagu dhigay.

wanted.jpg

Ninka daroogada ka ganacsada ee aadka looga raadinayey dalka Colombia isla markaana ah ninka dambiyada ugu badan ee daroogada la xiriira gaystay ayaa la qabtay.

Dairo Antonio Úsuga, oo loo yaqaan Otoniel, ayaa Sabtidii lagu qabtay hawgal wada jir ah oo ay fuliyeen ciidamada militariga, kuwa cirka iyo booliiska.

Xukuumadda ayaa ballan qaadday in lacag dhan $800,000 ay siinayso qofkii soo sheega halka ninkaasi uu ku sugan yaha, halka Maraykanku uu madaxiisa uu saaray $5 milyan oo dollar.

Madaxweynaha Colombia, Iván Duque, ayaa sheegay in qabashada Otoniel ay tahay dharbaar weyn oo ku dhacday dadka darooga ka ganacsada ee ku sugan dalkiisa.

“Dharbaaxadaan waxay la mid tahay oo kaliya geeridii Pablo Escobar ee sannadkii 1993-dii” ayuu yiri.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this