Sign in to follow this  
Deeq A.

Militeriga Sudan Oo Xabsiga Dhigay Ra’iisul Wasaarihii Dalkaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoogagga milateriga ee Suudaan ayaa xabsi guri u taxaabay Ra’iisul Wasaare Abdallah Hamdok, sida uu baahiyay TV-ga Al-Hadath, waxayna xireen dhowr xubnood oo ka tirsan hoggaanka rayidka ee dalkaas.

Isaga oo soo xiganaya ilo aan la aqoonsan, warbaahinta Sacuudigu leeyahay ayaa sheegtay in ciidan milateri ay hareereeyeen guriga ra’iisul wasaaraha subaxnimadii hore ee saaka .

Saraakiisha kale ee rayidka ah ee xabsiga la dhigay waxaa ka mid ah Wasiirka Warshadaha Ibrahim al-Sheikh, iyo guddoomiyaha caasimadda Khartoum ee Sudan, Ayman Khalid, sida ay ilo-wareedyo qoysku u sheegeen Al Jazeera.

Wasiirka warfaafinta Xamza Baloul, la-taliyaha ra’iisul wasaaraha, Faysal Maxamed Saalax, iyo afhayeenka golaha talada haya ee Suudaan, Mohammed al-Fiky Suliman, ayaa sidoo kale la xiray, sida ay sheegeen mas’uuliyiin la hadlay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this