Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo shaaciyey dakhli maanku diidayo oo Al-Shabaab usoo xarooday 2020

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo wargeyska New York Times uu ka qoray howgallada hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday xogta dowladda Mareykanka ee ku aadan dhaqaalihii sanadkii hore soo galay kooxda Al-Shabaab.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in qiyaastii dowladda Mareykanka ay muujineyso in dakhliga Al-Shabaab usoo xarooday sanadkii 2020 uu yahay 120 milyan oo dollar.

Sida ay warbixinta tiri, Al-Shabaab ayaa Soomaaliya ka sameysay dowlad dadban oo dhinac socota tan federaalka, taasi oo soo xareysay lacagtan oo badankeed ka timaada canshuurta iyo lacagta kale ee baadda ah ee laga qaado shacabka.

Canshuurta xooggeeda ayaa Al-Shabaab uga soo xaroota dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada shacabka.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa New York Times u sheegay in Al-Shabaab ay konteenar kasta oo kasoo dega dekedda Muqdisho ka qaado 90-dollar midka caadiga ah iyo $150 midka weyn.

Sarkaalka ayaa sidoo kale la wadaagay New York Times rasiit ay ku qoran tahay 250-dollar oo Al-Shabaab ay siisay muwaadin degan Muqdisho oo iibiiyey dhul uu lahaa, kaasi oo canshuur ay ka qaaday kooxda.

Dakhligan ayaa ka dhigan awoodda Al-Shabaab ay maanta taagan tahay halkii ugu xooganeyd, sida warbixinta New York Times ay tiri.

Dakhliga ay Al-Shabaab kasoo xareyso lacagta ay ka qaado dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada kale ee gaaraya $120 milyan ayaa ka dhigan inay aad ugu dhowdahay midka dowladda federaalka.

Miisaaniyadda 2021 ee dowladda federaalka, oo ay Caasimada Online ku noqotay kadib warbixintan, ayaa waxaa ku qoran in dakhliga gudaha ee dowladda federaalka ee 2020 uu ahaa $269 milyan, oo $182 milyan oo ka mid ah ay aheyd canshuurta gudaha.

Tani waxa uu macnaheedu yahay in Al-Shabaab ay soo xareyso dakhli ku dhow laba meelood meel guud ahaan dakhliga dowladda federaalka Soomaaliya, iyo 65% dakhliga canshuurta ee dowladda federaalka. 

The post Mareykanka oo shaaciyey dakhli maanku diidayo oo Al-Shabaab usoo xarooday 2020 appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this