Sign in to follow this  
Deeq A.

New York Times: CIA ayaa is-hortaagtay cunaqabateyn la saari lahaa Fahad Yaasiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo wargeyska New York Times uu ka qoray howgallada hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday sida ay hay’addan ugu dhex milantay siyaasadda Soomaaliya.

New York Times ayaa shaacisay in CIA-da ay is-hortaagtay isku day la doonayey in hadda kahor cunaqabateyn lagu saaro taliyihii hore ee haya’dda NISA Fahad Yaasiin, ooh adda ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo.

Warbixinta New York Times ayaa sheegtay in sababta Fahad loo saari lahaa cunaqabteynta ay tahay inuu taageeray isku daygii uu madaxweyne bishii Febraayo ku sameeyey muddo kororsiga, kaasi oo horseeday dagaal ka dhacay Muqdisho.

“Saraakiil Mareykan ah ayaa soo jeediyey in Fahad la saaro cunaqabateyn si loogu qabso inuu ka laabto, sida ay sheegeen laba sarkaal oo reer galbeed ah. Hase yeeshee CIA-da ayaa si daacadnimo leh uga soo horjeesatay fikraddaas, ayada oo muuqata inay ilaalineyo danaheeda ka hortagga argagixisanimada,” ayey tiri warbixinta New York Times.

CIA-da ayaa saldhig ku leh garoonka Muqdisho, waxayna si dhow ugala shaqeysaa hay’adda NISA dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Tallaabada CIA ayaa farriin qaldan u dirtay saraakiisha Soomaaliya oo ku saabsan ahmiyadadaha Mreykanka, sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha reer galbeedka. “Waxay arkeen in afka iyo jirka ay kala sameynayaan laba wax oo kala duwan. Waa jahwareer.”

Dhinaca kale, warbixinta ayaa sheegtay in CIA-da ay howlgallo qorsheysan xilliyada habeenkii ka fuliso magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu ugaarsado xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Mid ka mid ah howlgalladaas ayaa waxaa bishii November ee sanadkii tegay ku dhintay sarkaal CIA ah oo lagu magacaabay Michael Goodboe oo 54 jir ahaa. 

Goodboe ayaa ku dhaawacmay qarax gaari oo uu sameeyey sarkaal Al-Shabaab ah oo la erynayey xilli habeen, waxaana loo qaaday isbitaal militariga Mareykanka ay ku leeyihiin Jarmalka, oo u uku dhintay 17 maalmood kadib.

The post New York Times: CIA ayaa is-hortaagtay cunaqabateyn la saari lahaa Fahad Yaasiin appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this