Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo shaacisay inay la wareegtay Guriceel laguna raad-joogo Sheekh Shaakir

Recommended Posts

Deeq A.   

Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa sheegay in ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo saakay uu ka qarxay dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaaliya iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo ciidamada ururka Ahlu sunna Waljameeca.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Shide Falag oo warbaahinta kula hadlay Dhuusamareeb ayaa sheegay in ciidanka Galmudug ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada ayna ugu baaqayaan hoggaanka iyo maleeshiyaadka kooxda Ahlu-Sunna in ay isku soo dhiibaan ciidanka Xogga dalka iyo maamulka Galmudug.

“Waxaa lagu raad joogaa raggii hoggaaminayey ee ka danbeeyay fal demnbiyeedkii ka dhacay Guriceel, waxaan u sheegeynaa cid kasta oo falalkaasi ku kacday in gacan bir ah lagu qaban doono,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug.

Falagle ayaa sheegay in muddo bil ah in kooxda xambaarsan magaca Ahlu Sunna ay qabsadeen magaalada Guriceel, ayna sababeen qax iyo xaalad dhibaato iyo fowdo ah.

Wuxuu sheegay inay saaka soo dagaal geliyeen ardayda dugsiyada qur’aanka iyo haween oo qaarkood la qabtay, wuxuuna sheegay in maleeshiyadii Ahlu Sunna uu firxadkooda u baxay Miyiga.

Balse goobjoogaal ku sugan gudaha Guriceel ayaa Caasimadda Online u sheegay in rasaas goos goos ah laga maqlayo guddaha magaalada taas oo u dhexaysa ciidanka Galmudug iyo kuwa Ururka Ahlu Sunna.

Ciidanka Ahlu Sunna ayaa intooda badan iskugu tagay xeradda Jaamacadda ee magaaladda Guriceel, halkaas oo uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya kooxda iyo ciidanka Dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Guutada 15-aad iyo guutada 27-aad ee qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa ku sugan inta badan xaafadaha Magaalada Guriceel, waxaana weli taagan cabsi maadaama ciidanka Ahlu Sunna ay ku sugan yihiin qeybo kamid ah Magaalada.

The post Galmudug oo shaacisay inay la wareegtay Guriceel laguna raad-joogo Sheekh Shaakir appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this