Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye lagu dilay dagaalka Guriceel iyo wararkii ugu dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
20211023_200809.jpg?resize=434%2C478&sslSawirka Taliyaha la dilay

Taliyihii ciidanka Danab ee deegaannada Galmudug Gaashaanle Cabdiladiif Feyle ayaa u geeriyooday dhaawac galabta ka soo gaaray dagaalka Guriceel.

Alhusunna oo deegaano kale gurmad ka heshay galinkii dambe ee maanta ayaa dib u qabsatay saldhiga booliska Guriceel iyo qaar ka mid ah xaafadaha magaalada oo galinkii hore ee maanta ay qabsadeen ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug.

Dagaalka galabta oo ahaa mid kharaar ayaa soo gaaray caawa fiidkii, waxaana ka dhashay khasaare xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray labada dhinac.

Xaalada magaalada Guriceel ayaa hadda ah mid kacsan, mana muuqata dadaalo lagu joojiyo dagaalka, waxaana jira gurmadyo hor leh oo labada dhinacba soo gaaraya.

PUNTLAND POST

The post Taliye lagu dilay dagaalka Guriceel iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this