Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble Oo Kulan La Qaatay Mehmet Yilmaz

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Muqdisho Mehmet Yilmaz .

Rooble ayaa safiirka kala hadlay xiriirka lamada xukuumad iyo taagerada ciidan iyo dhaqaale ee Turkiga uu siiyo Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka wado Soomaaliya & arrimaha doorashooyinka dalka.”.

 

May be an image of 3 people, people standing, suit and indoor

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this