Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen mas’uuliyiin oo ka dhacay Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyn (Caasimada Online) – Qarax ayaa goordhow ka dhacay magaalada Beledweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan, gaar ahaan maqaayad ku dhagan saldhigga ciidamada booliska ee magaalada.

Qaraxa oo ahaa mid xoog leh ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka goboleedka HirShabeelle.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in uu ahaa Miino la dhigay saldhigga, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Inta la xaqiijiyey laba qof oo kala ah, Duqii degmada Feer-feer Soomaaliya Khaliif Muumin Garaad iyo Haweeney Maqaayad laheyd, ayaa ku dhintay qaraxa.

Guddoomiyahii Degmada Feerfeer Soomaaliya Mahad Maxamed Xasan, Taliyaha Saldhiga Booliiska Degmada Beledweyne Laba xidigle Maxamed Maxamuud Qoorshee & Askar kale ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaawacmen qaraxa.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta, baaris ayay ku bilaabeen si ay u ogaadaan sida ay u sahlanaatay in miino la dhigo goobtaas oo ah meel amnigeeda ay ilaaliyaan ciidamada ku sugan Saldhigga Booliiska.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.

The post Qarax ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen mas’uuliyiin oo ka dhacay Beledweyne appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this