Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Ahlu Sunna oo soo bandhigay awood ciidan kadibna soo saaray war culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada Ahlu Sunna ee gacanta ku hayo magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta howlgalo militari ka sameeyey gudaha magaalada, xilli laga cabsi qabo in magaalada ay soo weeraraan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Ciidamo tiro badan, islamarkaana ku hubeysan hubka fudud iyo kuwa culus iyo gaadiidka dagaalka ayaa maanta lagu arkay gudaha magaalada Guriceel halkaas oo laga cabsi qabo inuu dagaal ku dhex maro ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna.

Taliyaha guud ee Ciidamada Ahlu Sunnam Cali Faarax oo saxaafadda kula hadlay gudaha magaalada Guriceel ayaa sheegay in magaalada ay tahay mid dagan.

“Magaalada Guriceel annagaa gacanta ku heyna, nabad galyadeedana waxaa ka shaqeenayo ciidamada Ahlu Sunna, ma jirto cid aan magaalada uga heebeysaneyno, waa meeshii laga soo bilaabay jihaadka ka dhanka ah Khawaarijta, waxaa joogo ilmihii ay dhaleen shuhadadii ku dhintay dagaalkii khawaarijta lala galay,” ayuu yiri Cali Faarax.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamada Ahlu Sunna ay difaacyo adag ka sameysteen gudaha iyo bannaanka magaalada, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada Ahlu Sunna isagoo carabka ku adkeeyey inaysan marnaba ka bixi doonin magaalada.

“Howlgalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab laba sano ayey gaabsi galeyn, waxaana rabnaa inaan hadda dib u bilowno oo aan dagaalka gaarsiino meelaha ay ku sugan yihiin khawaarijta,” ayuu sii raaciyey taliye Cali Faarax.

Taliye Cali Faarax ayaa ayaa wuxuu uga digay dadka barakinayo shacabka inay joojiyaan arrintaan oo uu ku tilmaamay inay tahay mid aan wanaagsaneyn oo aysan u baahneyn dadka deegaanka.

“Waxaan rabnaa in dadka baraha bulshada dhigaya waxyaabaha qaladka ah ee dadka qaxinaya u sheego, dadkaan  uma baahna qax, waxay u baahan yihiin nabad, nabadiina anagaa ka shaqeeneyna dadkana diyaar ay u yihiin inay nagala shaqeeyaan, laakiin dadka waxaa ku jira kuwa laaluush qaatayaal ah oo anaga waxaan diidnay qaatay,” ayuu yiri taliye Cali.

Howlgalka ay Maanta Ciidamada Ahlu Sunna ka sameeyeen gudaha Magaalad ayaa kusoo aadayo xilli ay meel sare gaartay xiisadda Ahlu Sunna iyo Galmudug lagana cabsi qabo inay ku dagaalamaan gudaha Magaalada.

The post Daawo: Ahlu Sunna oo soo bandhigay awood ciidan kadibna soo saaray war culus appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this