Sign in to follow this  
Deeq A.

Xanuuno la garan waayay iyo abaaro ba’an oo Jubaland ku dilay xoola gaaraya saddex kun oo neef

Recommended Posts

Deeq A.   
2-18.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweyne ku xigeenka Koobaad ee Jubaland Maxamuud Sayid Adaan ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ayaa ka warbixisay halka ay marayaan dadaalada wax lagaga qabanayo abaaraha ka jira qeybo badan oo Jubaland kamid ah, iyadoo wasaaradu ay sharaxaad ka bixisay qorshayaasha ay u dajisay gurmadka loo samaynayo dadka abaaraha ay sameeyeen.

Wasaaradda Xanaanada xoolaha ayaa sheegtay in xoolo ku dhow sadex kun oo neef inay u dhinteen abaarta iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira deegaanka.

Wasaaradda qorshaynta iyo xidhiidhka Caalamiga ah ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabayo howlaha lagu samaynayo biyo xireeno iyo howlo lagaga hortagayo fatahaadaha uu sameeyo wabiga Juba.

Ugu danbayntii Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabayo mashruux shaqo abuur loogu samaynayo dadka uu sameeyay ayaxa ku habsaday qeybo kamid ah Jubaland, iyadoo qeybta ugu horaysa lagu bilaabayo todobo iyo toban kun oo qoys si hordhac ah.

PUNTLAND POST

The post Xanuuno la garan waayay iyo abaaro ba’an oo Jubaland ku dilay xoola gaaraya saddex kun oo neef appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this