Sign in to follow this  
Deeq A.

Abtigay Maxamed Kaahin Buudhi Madhan Baa Laga Kiraynayaa.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muj. Moxamed Kaahin Ahmed waxu yahay, waxuu galo, iyo waxuu gudaba reer Somaliland way yaqaaniin. Waa mujaahid ixtiraam iyo qaderin innaga mudan,waa geesi, waa deeqsi, waa aftahan, xoolaha ummada ma cuni, waa diric iyo madhaafaankii qaranka, oo wuu u qalmaa gudoomiye xisbi iyo midda madaxweyninimoba. Waxa hadaba is weydiin leh, maxuu kusoo kordhin karaa mansabkaas gudoomiyanimada xisbiga ee Muuse Biixi ku bedelanaayo taageeradii degaanka beriga Burco. Muuse waxuu rabaa laba arrimood midkood, ta kowaad inuu Mohamed Kaahina kidhli madaxa u geliyo oo ku yidhaahdo waa anigaa xisbigii kugu wareejiyeye xaqfadaadu ha ii taageerto anigana mar kale. Ta labaad, waxuu Muuse rabaa haddii jewiga siyaasadeed uu ka janjeedho oo uu ka baqdo doorashada, inuu Mohamed kaahin ku yidhaahdo igala shaqay siday Guurtida iyo gudoomiye Saleebaanba iigu taageeri lahaayeen muddo kordhin, dabadeedna marka waqtiga la ii kordhiyey dhamaado, aniguna Muuse Biixi ahaan waxaan ka hawl geli doonaa sidii Madaxweyne Siilaanyo oo kale uu ii caawiyey, inaan aniguna madaxwenenimada kuu saari. Waxay u egtahay inuu Mohamedna run moodey.

Hadaba, shirkii Hargeysa ee Mohamed Kaahin ku iclaamiyey inuu gudoomiyaha noqonayo, qudbadiisii waxuu mujaahid ku sheegay inuu mujaahid ahaa oo runtii ah, waxuu kale oo sheegay inuu ragii ka horeeyey ee ka waaweynaa uu u samraayey muddo 30 sanadood ah waana runtii, waxuu kale oo sheegay inuu xaafada oo dhan wax ka wada rabo taasina waa runtii, waxuu kale oo sheegay in loo baahan yahay isxulafeysi si aanay jeegaantu u baabi’in taasise runtii maaha. Madaxweyne Muuse Biixi in loo codeeyo waxa xaafada faray Madaxweyne Siilaanyo, reerkuna wuu ka aqbalay. Xaafada Muuse may ogolayn Muuse ee markay arkeen innagoo wadana Muuse, ayey iskeen daad-raaciyeen. Maanta dhibta ugu badan ayuu xaafadiisa ku hayaa. Haa, way jiraan dad uu shaqooyin siiyey iyo danley xaafidiisa ah oo taabacsan Muuse, laakiin shiikhyada ( sida Shiikh Aadan Siire), dhalinyarada, iyo waxgaradka xaafadaasi waxay hoos hoos nagu yidhaahdaan waar “Jin ninkii keenay baa saari kara uune”, ninkan cagta na mariyey, mar labaad ha nagu soo dooranin Ilaahay hadaad taqaaniin. Markaas Jeegaanta iyo xulafanimadani halkay taalaa? Muuse sharci ma qabto oo reer ma qabto, ee ma qolo Muuse Biixi la yidhaahdo buu Moxamed kaahin leeyahay aynu is gaashaan-buureysano.

Waxaan kuusoo gabogabeynayaa, gaalada marka cadaabta la geliyo bay Ilaahay baryaan, oo yidhaahdaan Ilaahayow hadaad fursad labaad nasiiso oo ifkii nagu celisid waanu ku adeeci doonaa, Ilaahayse kama aqbalo oo wuu ogyahay waxay yihiin iyo inaanay weligood daahirayn; sidoo kale reer Soomaliland way ogyihiin in haddii mar labaad loo khaldamo oo xaqdaro loogu hiiliyo Muuse Biixi, inuu hadhow innagu odhan doono markii horena fartiina ayaad eedeen immnikana Caqli xumadiina ayaad eedeen. Bal Mohamed Kaahin ha is weydiiyo meeshay wasiiradii xaafadu ku maqnaayeen habeenkii xafladiisa. Muuse ayaa iyagana dhabarka soo taabtay oo yidhi Mohamed ku qabsada jagada Gudoomiyanimada xisbiga. Muuse Biixi uma daacad aha Ina Kahin. Maanta haddii uu isugu daro gudoomiyanimada iyo musharaxninadaba, abtigay wuu leeyahay fursad ay reerku ugu codeeyaan , laakiin cod ma ka iman karaa jeegaanta dhinaceeda kale, waa maya. Danleyda ku wareegsan Muuse ee xaafadiisa ahi, waxay ka baqayaan haddii mar kale ay reer Jaamacwaal qabsadaan xukunka, inay xumaantii iyo kibirkii uu Muuse sameeyey laga jari doono, oo wax jeegaan la yidhaahdo oo is aaminsani maba jirto. Abtigay waxaan kula talin lahaa inaanu cad quudheed qaadanin, waayo Muuse Biixiba waa kii Siilaanyo oo aan labo sanadood joogin uu shaanida tuurtuuray, ee waa maxay sababta Ina Kaahin uu u sugayo lix ama todoba sanadood oo danbe, ee uu ninkan dalka kharibey ugu debecsan yahay. Abtigay hadduu ku qancay gudoomiyanimada isaga lee waaye, laakiin xaafada bariga Burco maanta haddii aanu Ina Kaahin musharax ahayn hal cod ma siin doonto Muuse Biixi iyo Kulmiye toona, cida ay codka siin doontana nin rag ahina wuu ogyahay nacasna loo sheegi maayo. Somaliland waxay u baahan tahay xulafanimo caqli, ee uma baahna xulafanimo ay dad gaar ahi ku shaqaystaan, eedana reeraha dusha laga saaro.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this