Sign in to follow this  
Deeq A.

War-weyn:Xaakimka Soomaaliga ah ee Maxkamadda ICJ ku jira oo ka hor-yimid Go’aankii Maxkamadu ka gaadhay Murankii Badda

Recommended Posts

Deeq A.   
Xaakimka Soomaaliga ah ee Maxkamadda ICJ ku jira oo ka hor-yimid Go’aankii Maxkamadu ka gaadhay Murankii Badda
Xaakimka Soomaaliga ah ee Maxkamadda ICJ ku jira oo ka hor-yimid go’aankii shalay

Xaakimka Soomaaliga ah ee ku jira Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda Cabdulqawi Axmed Yuusuf ayaa ka horyimid go’aanka ay Maxkamadda uga reebtay Soomaaliya qeyb ka mid ah dhul-badeedkii ay laheyd oo la raaciyey dhanka Kenya.

Maxkamadda ayaa xukunka u riday sidii ay Soomaaliya dooneysay oo ah in xuduuddu noqotay xariiq toos ah, hase yeeshee waxay sameysay qalooc yar oo Soomaaliya ka reebay dhul-badeed dhan 12 mile.

Garsoore Cabdulqawi ayaa diiday sida ay ujeexday xarriiqa cusub iyo  “sigib-tirka” ay samaysay maxkamaddu iyo weliba sida ay u jeexday xarriiqa kala qaybaha qaybta EEZ iyo qalfoof-qaaradeedka labadaba, sidaasina xuduud badeed lagu siiyey Kenya aysan sharci ahayn.

Xaakim Cabdulqawi waxa uu ku tilmaamay tallaabadaas maxkamaddu qaadday ka leexday nidaamii sharciga, islamarkaana dib u qaabayn garsoor ku samaysay juquraafiga. Waxaa qoraalka Cabdulqawi Axmed Yusuf ka muuqday inuu aad uga soo horjeeday go’aamadaas oo ay u codeeyeen inta badan garsoorayaasha maxkamadda.

Waxa uu sheegay in sida ay Maxkamaddu wax u xukuntay ay ka duwan tahay xukunadii hore ee kuwan la mid ahaa sida Qatar vs Bahrain iyo Eritrea vs Yemen, uuna xukunka yahay mid ka leexday dhaqankii Maxkamadda, ayada oo aan la bixin sabab lagu qanci karo oo lagu saleeyey xulashada xariiqda cusub.

Cabdulqawi ayaa sheegay in Maxkamadda ICJ ay xukunka gaadhay ayada oo ku xisaabtameysa xuduudda badeedka Kenya iyo Tanzania, oo Kenya ay dhul-badeed badan ku weyday heshiis ay la gashay Tanzania.

Waxa uu uu sheegay in go’aankan la gaadhay sababo la xidhiidha in Kenya ay “weyn laheyd dhul-badeed badan oo labada dhinac ay ka kala qaataan Soomaaliya iyo Tanzania,” sidaas darteed ay Maxkamadda dib u qaabeyn ku sameysay xariiqdii tooska aheyd ee ay go’aamisay.

Qareen Cabdi Qawi wuxuu caddeeeyay inaysan cadaalad iyo sharci ahayn in Kenya ay Maxkamadda siiso xuduud badeed iyadoo la cuskanayo bad cidhiidhi kasoo wajahay heshiis ay iskeed ula gashay dalka Tanzania oo ay ku weyday xuduud Bad oo dhan 25,000 Miles, taasina aysan wax saameyn ah ku yeelan karin dacwadda kala dhaxaysa Soomaaliya.

“Xariiq badeedka Tanzania wax shaqo ah kuma lahan xadeynta xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya,” ayuu ku dooday.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this