Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay aragtida garyaqaanada Soomaaliyeed ee go’aankii ICJ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib go’aankii kama dambeysta ahaa ee ka soo baxay maxkamadda cadaaladda adduunka ICJ oo Soomaaliya u xukuntay inta badan kiiska badda ayaa waxaa siyaabo kala duwan looga hadlay xukunka ay ridday maxkamadda ICJ.

Dr Axmed Cali Kheyre oo ah qareen khabiir ku ah arrimaha la isku hayey, aadna ula socdey dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka hadlay sida uu arko go’aanka ay gaartay maxkamadda iyo waxa ay ku saleysay xukunka kama dambeysta ah ee ay ridday.

Qareenkan oo wareysi siiyey laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa shaaca ka qaaday in ICJ ay go’aankeeda ku saleysay xaaladda guud ee labada dal iyo tan gobolka, isla-markaana wax ku qiimeysay in labada dal wax loo ogolaado, sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Cali Kheyre oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in go’aankan u arko mid wanaagsan, isla-markaana ay tahay inay raacaan labada dal.

“Aniga waxa ay ila tahay go’aankaas waxa uu ku saleysnaa in labada dalba wax loo ogolaado, iyada oo la fiirinaayo xaaladaha guud oon qaanuun kaliya la fiirin oo macal siyaasadda, xaaladda gobolka iyo waxna la fiirshay, waana go’aan wanaagsan oo labada dalba in ay raacaan ay wanaagsan tahay sida aan u arko,” ayuu yiri Dr Axmed Cali Kheyre

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray “Marka la fiiriyo xeebta Soomaaliya iyo Kenya u dhexeyso dhib badan maka muuqdo, laakiinse waxaa moodaa in maxkamaddu nidaamkii ay awal isticmaali jirtay ay ka tegtay,”.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqday in sheegashadii hore ee Soomaaliya ay lumisay 15%, halka Kenya ayaduna weysay 85%.

“Aniga waxaan is leeyahay aagaha dhaqaalaha marka guud ahaan loo fiirsho Soomaaliya wax badan ma lumin Kenya ayaa dhul badan meeshaas ku lumisay,” ayuu sii raaciyey.

Si kastaba, kiiskan ee ay guusha ka gaartay Soomaaliya oo loo xukumay biyaha la’isku hayey ayaa soo socoday muddo 7 sano ah, wuxuuna soo billowday sanadkii 2014-kii.

The post Maxay tahay aragtida garyaqaanada Soomaaliyeed ee go’aankii ICJ? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this