Sign in to follow this  
Paragon

Sidee loo joogteyn karaa Jacaylka…?!!

Recommended Posts

Paragon   

Nomads, I must confess, I am addicted to Aayaha Nolosha, especially Codka Mucaashaqiinta 'Lover's Voice'. SO I thought I should share the following article called, in translation :How can love be maintained. Sorry to those who don't read Somali.

-----

 

Sidee loo joogteyn karaa Jacaylka…?!!

W/Q:- Aadan Axmed Aadan (Haydara)

Aayaha Nolosha

 

Inta aysan is guursan labada qof ee (Labka & dhediga) xilliga haasawahooda waxa ay sheegaan in ay is jecel yihiin oo ay is doonayaan, uuna ka dhexeeyo jacayl wanaagsan oo waaray.

 

In badan ayaa la arkay labo is jecel oo isla haajiray (Masaafeystay) iyagoo ka baqaya in jacaylkooda la carqaladeeyo, kuwo baa is dilay marka ay is waayaan ama caqabado kale ay soo wajahdo, kuwo kalena waalidkood ayay u caddeeyaan in aan jacaylkooda la carqaladayn haddii kalena ay ifka uga tagayaan arrintaa awgeed.

 

Ma aha layaab haddii labo qof oo is jeceli ay is ammaanaan oo midba kan kale uu ku tilmaamo sharaf, qiimo, qaayo & qurux aan mataalkeeda iyo qiyaasteeda aan si fudud loo helayn, maxaa yeelay dareenka kalgacal ee dhex yaala qalbiyadooda is jecel ayaa isu tusinaya wanaag, hannaansami & bilic toosan oo ka muuqata qofka uu jecel yahay, taasina waa waxa keenay ammaanta badan & hilowga labadaa is jecel ay isu qabaan.

 

Intaas oo ammaan iyo jacayl isu hibeyn ah waxa ay dhacaan guurka kahor ama xilliga xaaladda haasaawaha lagu jiro, haddana waxaa dhacda in guurka kadib carqalado & caqabado jacaylkii la soo gudboonaado. Haddaba waxaa isweydiin mudan sidee loo joogteyn karaa ama loo daa’imi karaa jacaylkii hore la isugu qabay.

 

Ogow Ina raggow ammaanta gabadha aad amaanaysid xilliga aadan guursan inay tahay mid aad ugu dhawaanaysid qalbigeeda, laakiin ammaanteeda guurka kadib ayaa ka qiimo badan amaantii hore taasoo leh mudnaanta koowaad ee jiritaanka jacaylkii hore, maxaa yeelay waa saldhig lama huraan ah si loo ilaaliyo qalbi samida & is afgarashada qoyska.

 

Nolosha wacan ee qoyska waa mid u baahan daacadnimo, niyad wanaag & isla dhaqan xilkasnimo leh.

 

Haddii aad rabto inaad nasiib u yeelato inuu jacaylkiina waaro lamaanahaaga ha dhaliilin, hana cannaanan, hadduu qalad idinka dhex dhaco adiga & lamaanahaaga si deganaani ku jirto isu deeqsiiya inaad qaladka u wada saxdaan, waxaa hubaal ah inaad arki doontaan adigoo isu muusaanaya halkii aad ka xanaaqi lahaydeen.

 

Ogow weji furnaanta, qosolka & farxadda badan ee lamaanayaashu wadaagaan inuu saldhig u yahay Jacaylka waara, haddana adigoo qosli kara, isla markaana si farxad leh ula cayaari kara Xaaskaaga/Ninkaaga maxaa keenatya weji macbuusnaan sababi karta burbur qoys? .

 

W/Q:- Aadan Axmed Aadan (Haydara)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Walle waa runtiis....waan ba u baahnaay inaan aqriyo topic kaan coz faaido yaal buu ka hadlayaa.

 

jamaal_11 waad ku mahadsan tahay abowgiis, laakiin xoogaa soomaaliga wuu adkaay, but I managed to read all. wax kale oo "aayaha nolosha" noo soo qor fadlan hadii ey san dhib kugu eheyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

<---- :rolleyes: :confused:

Jamaal..is there a simpler, translated version(Laba kwa kilughaa!-SAWAAXILI ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Haddii aad rabto inaad nasiib u yeelato inuu jacaylkiina waaro lamaanahaaga ha dhaliilin, hana cannaanan, hadduu qalad idinka dhex dhaco adiga & lamaanahaaga si deganaani ku jirto isu deeqsiiya inaad qaladka u wada saxdaan, waxaa hubaal ah inaad arki doontaan adigoo isu muusaanaya halkii aad ka xanaaqi lahaydeen.

waynnan kusoo ag istaagin ciyaalkii oo duuf leh oo canjeeladii ka gubatay,,,,, jacaylka aduunka ka jira qolo wabaa si buu uga dhacaa aragtidayda kuna salaysan dhaqankooda.

reer galbeedka wuxuu ug dhacaa sida ilamha yar yar u tusarufaan, markaad la joogtana waa in hadala macaan dhaguhu maqlaan sida honey, sweety etc.

siiba qofka dumara, intaadan joogina waa waa inaad boombale yar oo beerka sii gashato guriga u dhigtaa.

 

kan soomaalidii hore ku dhici jiray wuxuu ahaa run hadii ilmo ka timaado gabadha ayadaa iska masaxi jitay,laakiin mar walba waxay ogtahay in ninkeedu jecelyahay maalinta ay ooyday habeenkeeda ayayna ugu qurux badnaataa,

 

tusaale hadda ka horbaa nin koob caano ah soo qastay oo meel fadhiya waxaa la weydiiyay war hebelow xaaskaaga ma dhunkataa,,,, markaasuu inta qoslay wuxuu yiri,,,,,, aga ma masxaf quraanaa markaan dhunkani

jacayl dhaqmeedka cidina waxba kama qori karta kan hindida iyo reer galbeedka oo kale maahan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Pragon, anigu waxaan aaminsanahay marka labada qof isguursadaan, inay ammaantii badnayd, Haasaawihii badnaa iyo kaftankii Duur-xulka lahaa intuba dhamaadaan. Waxaan filayaa, mar hadii labada qof is guursadaan inay haboontahay inuu ninku wax Alla iyo wixii uu inanta ugu sheekayn jiray intii awoodiisa ah ka dhabeeyo inuu ficil u badalo. Hadii taasi timaado, oo ninka hadalkiisii isu badalo ficil, waxaan filayaa Jacayl-kii dhabta ahaa waala joogtayn karaa. Laakiin, waan ku jeclahay Afka ah, iyo ammaan afka ah :), hadhawtana Ciyaalkii waan dayacayaa, oo xaaskaan ku daawanayaa, gurigii waan illaawayaa oo waxba keeni maayo, xaaskii iyo ciyaalkii wax ka farxiya oo Hadiyad ahba loo keeni maayo, la kaxayn maayo oo laga qoslin maayo :) Dee awoowe Jacaylka la sheegayaaba malaha wuxuu ku jiraa iyadoo Hadalka badan iyo Huu-haada layska dhaafo ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thanks Paragon..good article...I'm definately with you on these points..marka hadii inta badan af-macaanidii hore ay dhamaato guurka kadib waxaa is weydiin leh -ma dhab bay aheeyd mise shukaansiga/ hasaawiga wuxuu ku dhisanyahay been iyo xero galin ( dhanka ragga markii laga eego)?

 

Aniga waxaan qabaa jaceeylka saldhigiisuba inuu yahay ayadoo la is xurmeyo - taasna waxaa kordhin kara adoo si fiican u ogaato qofka aa nolosha la wadaageysid qiimuhuu leeyahay.

 

Gooni - you raised some interesting points...funny too.

 

Hunguri- I think your last point is spot on.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this