Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Rabi ha u raxmado Ajakis

Recommended Posts

Majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo goordhaw Muqdisho ku geeriyooday

FB_IMG_1632729533528.jpg

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday allah u naxariistee Majaajiliistahii caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo maalmahii lasoo dhaafay ku xanuunsanaayay mid ka mid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Geerida Marxuumka waxaa xaqiijiyay maamulka Talefashinka Universal xaruntiisa magaalada Muqdisho oo uu marxuumka ka tirsanaan jiray howlwadeenada talefashinka Universal.

Allah u naxariiste Marxuum Ajakis ayaa todobaadkii hore dhamaadkiisa waxaa kusoo booday xanuun la sheegay inuu ka haleelay dhanka sambabada, kaasoo ugu dambeyn uu maanta u geeriyooday.

Marxuumka waxa uu ka mid ahaa jilayaasha dhanka majaajilada kuwa ugu caansan guud ahaan Soomaaliya, waxuuna sidoo kale soo jilay Riwaayado farabadan, waxuuna turjimaad ku sameyn jiray filimada Hindiga ee afsoomaaliga loo badalo oo uu door muhiim ah ka qaadan jiray turjimaadooda.

Madax ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya iyo siyasiyiin magac ku leh dalka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Majaajiliistihii caanka ahaa allah u naxariiste Cabdi Muriidi Dheere oo loo yaqaanay Ajakis.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.