Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Aawey kii Rooble la lahaa?

Recommended Posts

Asagii lahaa qof u tartamaayo xildhibaannimo lagama horistaagi karo deegaankiisa after guddoomiyihii hore Gedo loo diiday inuu deegaankaas tago bilooyin ka hor. Well, here it is intuu howl shaqadiisa ahayn ku jiray.

Wasiirka qorshaynta Soomaaliya oo laga hor istaagay in lagusoo dhoweeyo Garoowe

2021923637679726900396094.jpg

Ciidamo katirsan Puntland ayaa maanta is hor istaag ku sameeyya in wasiirka qorshaynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan soo dhowayn loogu sameeyo magaalada Garowe, oo uu kasoo dagay.

Wasiirka qorshaynta oo ah musharrax xildhibaan aqalka hoose ah ayaa loo diiday in ay garoonka ugu tagaan dad shacab ah oo loogu diyaariyay in ay ka qaataan soo dhowayntiisa.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in ciidamo ka tirsan madaxtooyada Puntland la geeyay garoonka diyaaradaha Garoowe, si ay u xakameeyaan dhaqdhaqaaqa wasiirka qorshaynta oo ku wajahan magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag, halkaas oo ah deegaan doorashadiisa.

Wasiir Jamaal ayaa kamid ah saaxiibada dhow ee madaxweyne Farmaajo, waxayna aad isku hayaan madaxweyne Deni oo uu dhawaan ku eedeeyay inuu faro galin ku hayo doorashada aqalka hoose.

Jamaal waxaa uu loolan adag u gali doonaa sidii uu kursigiisa xildhibaanimo u difaacan lahaa, isagoo maanka ku haya in kursigiisa uu kamid yahay kuraasta tartanka adag loo gali doono.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

 

The federal government is at least accountable. If they do anything that undermines Somali sovereignty people will in arms to protest, or if it handles national issue in corruption related issues. Yet, these regions have became outlaws. A maan is visiting his region and he is denied.

On the Rooble matter, there ain't anything good coming from his camp.

The letter of the president suspending the activities of the prime minister is in motion. Premier Rooble could visit government ministeries and he could be welcomed, but he can't order anyone to do anything. If goes to Dr. Bayle, and the minister could tell him that " Everything is going on as usual, but until you and the president agree on the political issues, we will not do anything that wrecks the boat"

What will this wonder kid do? call his goons and storm the office?

Mr. Qoor Qoor, the only visionary leader in Galmudug treied to resolve the issue, but as I said before, this guy is over his head. Then Qoor Qoor called the regional leaders and told them to get together and find a way out for the country. Both Guudlaawe and Lafta Gareen came aboard, so was the Banadir governor. Then he contacted Dani and Madoobe for a meeting in Baidoa. The narcissistic  " Hooyada Fadaraaka" which always like to be praised and pampered demanded to hold the meeting in Garoowe instead of Baidoa and the man of the moment Mr. Qoor Qoor agreed.

Panic flowed , because if the regions started their election process without him and all convened with their members in Mogadishu for the selection, this man has no job at all. He begged people to contact Qoor Qoor and stop the regional summit.

This Rooble guy should know that he can't implement a new foreign policy for Somalia as a care taker prime minister. He has 60 days or so to hold the election and disappear to Eastleigh in Nairobi or Mombasa. History will be harsh on him if he continues on this path. 

By the way, this election will be the most corrupted one held in Somalia since independence. All kind of fishy things are going on. Mr. Dubbe,our favorite minister had exchanged a seat in the upper to transferred his ministerial duties to his deputy, which made the national broadcasting network, a Rooble Station. 

Where is the Young general Odowa?

This is probably the time for the armed forces to take over the country and manage the election.If the dysfunction continues, and the tribal militia of Indhacade shows up, you need the army chief to secure the peace and hold election.

Waa iga Talo.  I will write the headline soon if this continues. Who knows what could happen.

Waa wakhtigii ciidamadu dalka badbaadin lahaayeen. 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Guud ahaan dadka laysma raaciyo waa sax, laakiin inta badan yaa hogaamisa inta yar.

Way ku gawracanyihiin inta wanaagsan waxa dimuquraadiyadda beeshu u keento.

Tusaale 
Hadii qof wax dilo kii u dhaw jufo ahaan yaa soomaalidu dishaa, asagoo qof wanaagsana yaa lasoo aasaa, mid kale oo kasii wanaagsana loogu aar gudaa.

inta yar ee wanaagsan badweyn biyo dhanaan kama cabbi karaan, wabigana yaxaas dad cuna yaa ku sugaya.

Erayga horseed macnihiisa wax garanaya maydinku jiraa iyo asal ahaan meesha uu ka yimid?

Erayga horseed wuxuu ka yimid reer guuraaga markay awrta raraan oo meel kale u guuraan waxay galaan socod dheer inta badan.

Awrta waxaa la saaraa maxasta jilicsan oo aan socod dheer awoodin dad iyo xoolo intaba.

Markii lagu soo dhawaado meeshii la degi lahaa waxaa horay u dhaafa hayaanka geediga ah, "ragga" ama nimanka la socda.

Nimankaas waxaa lagu magacaabaa horseed.

Waxay sameeyaan sahan degdeg ah, ayagoo dhulka eegaya iyo rati walba meeshii lagu furi lahaa, isla markaana diidan inay istaajiyaan geediga oo ay daal badan ku ogyihiin ama aan xamili karin in la istaajiyo.

Waxaa meeshaas kasoo baxday maah-maahda oranaysa (Horseed Hagar Kuma Maqna)

Macneheedu waxuu yahay raggaas  way ogyihiin inay la daalan yahay, warwareeg uma yaalo waa inay reerka ku furaan "barrin" wanaagsan.

USC horseed kama dhalan kamana dhalan doono qarinyada soo socda.

Sodon sano dad soo hayaamayay bay isbaaro iyo qabyaalad wali la hor taagan yihiin.

Tan kale.... cabdi qaasim nin wanaagsan buu ahaa haday adeeci lahaayeen waxbaa laga faa'iidi lahaa aragtidayda,  haybadiina way ka muuqaataa ilaa maanta allaha xafido.

Share this post


Link to post
Share on other sites
On 10/1/2021 at 4:32 AM, gooni said:

USC horseed kama dhalan kamana dhalan doono qarinyada soo socda.

Gooni, baryahaan warankaaga galka waaka siibtay ee maxaa? Qabiil walba dad xumaan wado iyo kuwa wanaag ku dhaqmo waaku jiraan, hoggaamiyaashooda iyo kuwaanan ahaynba. Dadkaa leedahay hoggaamiyo wanaagsan kama dhalan Aaden Cadde, Jen. Daa'uud, C/llaahi Ciise, Ismaaciil Jimcaale iyo waxgarad kale ka dhashay. 

Axmed Madoobe iyo Deni iyagaba meesha qeyr kuma haayaan, saas ee tahayna tolkooda eeda lama leh. Hoggaamiyo ku sheega xilliyadaan jiro badankooda waa daneystiyaal. 

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.