Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Ammaanay Axsaabta Mucaaradka Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ku amaanay markii u horaysay axsaabta mucaaradka doorka lexejeclada ah ee ay dalka kaga jiraan horumarkiisa iyo nidaamka geedi socodka doorashooyinka.

Sidoo kale, wuxuu qiray guushii axsaabta mucaaradka ee doorashooyinkii isku sidkanaa ee 31 May 2021, kuwaas oo loogu awood sheegtay xisbul xaakimka uu guddoomiyaha ka yahay ee KULMIYE, balse Madaxweyne Biixi wuxuu xilligan Xisbiyada mucaaridka iyo madaxdooda ku amaanay doorka ay ka qaateen hannaanka doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Biixi oo arrintan ka hadlayey wuxuu yidhi“Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa Xisbiyada mucaaridka iyo madaxdooda, mucaaridku markasta wuxuu tirsanayaa in aanu waxba haynin in la riixayo in la gacan bidixaynayo, waxaan aad ugu mahad naqayaa inay soo adkaysteen, doorashadii aqbaleen oo ay soo galeen waliba ay guulo gaadheen oo xilkii nala wadaagaan oo ay qeybtooda hayaan oo aan leeyahay waxaa laynaga wada rabaa intaad haysaana inay wanaag muujiso, wax ka fiican waxaanu hayno inaad keentaan baanu idinku dhiirinaynaa dalkana aan wada dhisno, sidaa ayaynu horumar ku gaadhi karnaa” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this