Sign in to follow this  
Deeq A.

Senator Fartuun Cabdulqaadir Oo Loo Doortay In Ay Ka Mid Noqoto Senatorada Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle lagu doortay kursigi seddaxaad ee kuraasta Aqalka Sare.

Kursigaan oo ay kuwada tartameen musharixiinta kala ah Fartuun Cabdulqaadir Faarax Karaama iyo Sacdiyo Yarow.

Marka ay doorashada bilaabatay ayaa Musharax Sacdiyo Yarow sheegtay in ay u tanaasushay Senator Fartuun Karamaa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay Natiijada Kursiga seddaxaad ee Aqalka Sare kaas oo ay cod gacan taag ah ugu soo baxday Fartuun Cabdulqaadir Faarax Karaama.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this