Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Xanaaq bilaa micno

Recommended Posts

Much ado about nothing.

Puntland oo caro xoogan ka muujisay in Farmaajo uu ku dhowaaqi waayey magaca

Puntland ayaa ka carootay in madaxweyne Farmaajo uu afkiisa ka dhowrto gobolka ay ula baxday Heylaan oo laga jaray gobolka Sanaag, kaas oo cayaartooy ka socota uu shalay Farmaajo ku qaabilay Villa Somalia.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani ayaa qoraalXigasho uu soo saaray ku muujiyey carada ay Puntland ka qaaday in madaxweynuhu uusan soo hadal qaadin magaca gobolkaas, intii uu la hadlaayey dhalinyarada cayaartooyada ah ee madaxtooyada uu ku qaabilay.

Jaamac Dabaraani ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay inay jirto koox caadeysatay inay siyaasadeyso gobollada Puntland.

“Magaca Gobolka Koobka Puntland qaaday waa Haylaan oo ka tirsan Gobollada Puntland, xaruntiisuna waa Dhahar, Ninkii aan afkiisa soo marin Karin muxuu ka maamuusi! Hore ayaan u sheegay in kooxda caadeysatay in Puntland goboladeeda ay siyaasadeyso aysan waxba ka heleyn kuna helayn!,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani.

Gobolkaan ay Heylaan ugu magac-dartay Puntland oo aan ku jirin 18-kii gobol ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa laga jaray gobolka Sanaag, waxuuna xulka u cayaara kubada cagta sanadkaan qaaday koobka cayaaraha kubadda cagta ee gobollada Puntland.

Taasi waxay kaliftay in Muqdisho looga yeero xulka, si ay maalmaha soo socda ula cayaaraan koox kale, waxaana madaxtooyada Qaranka ku casuumay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, balse Puntland waxay ka carootay in afkiisa uu ka dhortay magaca gobolka ay ka socdeen kooxda uu casuumay.

  • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.