Sign in to follow this  
Maf Kees

Where is Somalia located?

Recommended Posts

ElPunto   

intersting - some of the answers were too much of a caricature and constrained by politness and political correctness. The worst part was how they did not know that Somalia was in Africa. If you've met them and can comment on their robes/work skills etc - how is that you cannot place them as black people and thus in Africa. Anyway - didn't any of them see Blackhawk Down etc.? strange

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaa loola yaabaa shisheeyaha hadee dalka Soomaaliya meesha uu ku yaalo garaneynin.

 

Aniga waxaa iga yaabiye dad shuunkooda shuun dhalay oo ku leh Soomaali ayaan nahay, hadana leh waalidkeena labadaba waa Soomaali, hadana ku leh af Soomaali ma naqaano, hadana leh waalidkeena afka aan ku hadalno si fiican uma yaqanaan oo waa isku wareernaa oo af Soomaali bas yaqaanaan.

 

Isku dar. Intee kusoo koreen? See waalidkooda ula sheekeysan jireen. Dadkaas ayaa wax lala yaabo ah, hadana sharaf dhac isku ah, Soomaalidana ku ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Intee kusoo koreen? See waalidkooda ula sheekeysan jireen.

lol@MMA. That is a very interesting question.

 

What about those parents who defend this act with comments like ... "cunugaygu soomaali kuma hadlo" or "ha igala hadlin Af-soomaali ciyaalka way ku wareerayaane". smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Libaax, dadka saas u fikiro waa aabiyaashii badoownimo, oo aqoonyaronimada ayaa ku kaliftay. Waxaa maqlaa toogtaan inay jiraan 'atoore baadiye,' koleey dadkaas in laga wadaa filaa.

 

Dhowr sano kahor wargeys kasoo baxo Koronto oo af Soomaali ah qof kusoo qoray sheeko yar ku dhacday.

 

Subwey-ga tareenka ayuu saarnaa, ayaan wanaag booska uu fadhiye kasoo horjeedkiis waxaa fadhiye wiil yar Soomaaliyeed iyo hooyadiis. Markuu salaamay hooyadiis, ayuu wiilka u jeestay, oo hadalo yar yar ku bilaabay, sida magacaa, meeqaa jirtaa. Markuu su'aashii afaraad ama shanaad maraayo, hooyadii waa u dulqaan weysay, oo lasoo booday, "Walaaloow wiilka af Soomaaliga iiga daa oo in uu Ingiriis ii bartaa doonayaa."

 

Atoore baadiyo iga dheh.

 

Taloow yaa i tuso hooyadaas maanta. Yaa ogaado af Soomaaligii mar hore ka tagay wiilkaas.

 

Mida kale Iskaandineefiya, siiba Denmark, waxaa ka jiro iskoolada qof walba ku baran karo afkooda hooyo. Yaa ka faa'ideysanaayo hee? Xataa dowladii ayaa ku tuugeyso Soomaalida inay awlaadooda baraan afkooda, maadaama baaritaan lagu sameeye oo la ogaaday qofka ku hadlaayo laba luuqad in uu ka foorteysan yahay ama ka firfircoonsan yahay qofka kaliya hal af yaqaano.

 

Inta Koronto ku dhawaad 100,000 Soomaali ayaa degan waaba magaalo socoto, taasoo jirtana hal iskool oo af Soomaali lagu barto ma jiro. Qowmiyad walba inta degan waa wada qabaan, xataa kuwa 500 iyo wax ka yar ku degan.

 

Kuwii dalka joogayna nama dhaamaan oo Carabi iyo Ingiriis ayaa wax loogu dhigaa. Maxaa dhibsaday markaan saas soo arkay. Sababtee ugu cararayaan afkooda ayaan la yaabay, oo iyagii wax soo bartay hadana manhaj Carabi iyo Ingiriis iska dhaafee, mid Kiinyaati ku jiro xataa. Maxee na dhaantaa Kiinya?

 

Dad wada yaso afkeena ayaa is nahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this