Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay sababta ay qaar ka mid ah musharaxiinta u raadinayaan xildhibaanimo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaq-dhaqaayo lama filaan ah ayaa ka socda xeendaabka siyaasadda Soomaaliya, kadib markii musharaxiin madaxweyne oo badan ay billaabeen dadaallo ay ku doonayaan inay ku noqdaan xildhibaano.

Xubnahan ayaa isugu jira siyaasiyiin la rumeysan yahay inay fursad u leeyihiin in loo doorto madaxweyne, iyo kuwa rajadoodu ay yar tahay.

Waxaa sidoo kale kala duwan ujeedka ay musharaxiinta madaxweyne u raadinayaan xildhibaannimada, inkasta oo si guud ay u wada sheegayaan hal ujeed oo isku mid ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, musharaxiinta raadinaya xildhibaannimada ayaa waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa todobaadkaan la kulmay odoyaasha beesha Agoonyar, waxa uuna weydiistay kursiga iyadoo la sheegay in shanta oday ee beesha ay si buuxda u ogolaadeen kursigaas, laguna wargeliyey in haddii uu doonayo aanay jirin cid kula tartami karta.

Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo sida la sheegay Shariif abaal weyn u haya, una ixtiraama sida aabihiis oo kale, kaasi oo aan tartan la gali doonin madaxweynaha.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la sheegay inuu odayaasha beeshiisa kala hadlay inuu isku sharxayo xildhibaan, waxaana wararka ay sheegayaan inaan jawaab rasmi ah la siin. Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya Saciid Nuur Giriish.

Dhanka kale, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa uu rabitaankiisa weli ku kooban yahay isaga, mana jirto cid ka tirsan odayaasha beesha Habar Cayno oo uu kala hadlay.

Waxaa sidoo kale jira musharaxiin kale oo dhowr ah, balse ah kuwa aan markii horeba sidaas looga aqoon saaxadda siyaasadda dalka.

Waa maxay ujeedka loo doonayo xildhibaannimada?

Sababta ugu weyn ee musharaxiinta ay u raadinayaan xildhibaanada ayaa lagu sheegay inay tahay inay helaan xasaanad, sida qaarkood laga soo xigtay.

Si kastaba, Inkasta oo xasaasnadda ay tahay daaha gadaashiisa la isku qarinayo, haddana wararka qaar ayaa sheegaya in musharaxiinta qaar ay rumeysan yihiin inaysan haysan wax fursad ah oo lagu dooran karo, sidaas darteedna ay u raadinayaan xildhibaannimo.

Musharaxiinta madaxweyne ayaa ka kooban saddex koox. Kooxda koowaad waa koox ay dhab ka tahay inay u tartamaan xilka madaxweynaha. Kooxda labaad waa musharaxiin ku raadinaya xilal hoose. Halka kooxda saddexaad ay musharaxnimada ku raadinayaa dhaqaale.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ah kooxda koowaad ee rajada madaxweyne leh, ayna dhab ka tahay loolanka madaxweeynaha. 

Shariif ayaa raadinaya xasaanadda kadib markii sanadihii la soo dhaafay uu la kulmay dhowr weerar oo kaga yimid dhinaca dowladda, waxaana la sheegay in haddii uu ku guuleysto tartanka xilka Madaxweynaha uu iska casili doono xilka xubinimada Golaha Shacabka.

Si kastaba, musharaxiinta kale, waxaa la rumeysan yahay inaysan musharaxnimada madaxweyne dhab ka aheyn, sidaas darteedna ay doonayaan xildhibaannimo.

Waxaa sidoo kale jirta koox saddexaad oo ah musharaxiin xil dhan aan dooneyn balse dhaqaale raadis ah.

Kooxdan ayaa saaxiibadooda iyo beelaha ay kasoo jeedaan lacag badan uga qaadanaya inay yihiin musharax madaxweyne, kadibna ayaga oo aan wax badan ka qarash gareyn lacagtaas ka haraya tartanka.

Arrintan ayaa dhacday doorashooyinkii lasoo dhaafay markaasi oo ganacsato qiireysan ay lacago ku shubeen rag ku beel ah, oo kadibna xitaa aan helin hal cod, ama tartanka ka haray markii doorashadu soo dhowaatay.

Si kastaba, ganacsatada ayaa sanadkan ka feejigan arrintaas, waxayna taageerayaan kaliya musharax ay hubaan inuu rajo wanaagsan leeyahay. Waxay tani horseeday in ganacsato badan ay taageeraan musharaxiin aan ku beel aheyn oo ay doonayaan inay wax ku darsadaan.

Wax ay ahaataba, toddobaadyada soo socda ayey kala caddaan doonaan musharaxiinta madaxweyne ee dhabta ah iyo kuwa leh ujeedooyinka kale ee qarsoon. 

The post Maxay tahay sababta ay qaar ka mid ah musharaxiinta u raadinayaan xildhibaanimo? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this