Sign in to follow this  
Deeq A.

Xagee marayaa tartanka ciyaaraha gobolada Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   
  • 20210804_202852.jpg?resize=487%2C332&sslBaxwal kabtanka Sanaag: Ciyaaryahanka 2 kulan dhaliyay 5 gool.
    (Xuquuqda sawirka Bulshaawi)

Waxaa si habsamiya garoonka ciyaaraha Mire Awaare Garowe uga socda tartanka kubbadda cagta gobolada Puntland oo maraya heerka bug-baxa ama guruubyada.

Xulka gobolka Nugaal ayaa maanta kulankoodii labaad la ciyaaray gobolka Haylaan oo kulankii koowaad u ahayd, waxayna ciyaartaasi ku dhamaatay 2-0 oo ay guushu ku raacday Nugaal, sidoo kale waxaa dhacay kulan labaad oo dhexmaray Bari iyo Sanaag, kaas oo ku idlaaday barbardhac 2-2 ah.

  • FB_IMG_16280961887769665.jpg?resize=720%Ciyaartoyda Nugaal

Gobolka Bari oo ciyaaray labo kulan ayaa hoggaaminayo guruubka dhimashada ‘A’ wuxuuna leeyahay 4 dhibcood, halka Nugaal oo ciyaartay labo kulan ay leedahay 3 dhibcood, Sanaag oo isna ciyaaray labo kulan ayaa leh 2 dhibcood.

Sidoo kale gobolka Sool oo ciyaaray hal kulan ayaa leh 1 dhibic, halka Haylaan oo isna hal kulan ciyaaray uusan la hayn dhibco.

  • FB_IMG_16280961647590392.jpg?resize=720%Ciyaartoyda Bari

Dhanka kale garuubka ‘B’ waxaa wada hoggaaminaya Mudug iyo Karkaar oo kulamadoodii ugu horreeyay ee tallaadadii guulo ku furtay.

Labada guruub waxaa midkiiba laga rabaa 2 gobol, waxaana 4-ta gobol ee soo baxda ay u gudbi doonaan wareega afar dhamaadka tartanka.

PUNTLAND POST

The post Xagee marayaa tartanka ciyaaraha gobolada Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this