Sign in to follow this  
Deeq A.

“KULMIYE Laftiisa Uun Baa Wada Tartamayay…” Siyaasi Cabdillaahi Cukuse

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Siyaasiy Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse oo ka mid ah Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in bulshadu fahmi la dahay sababta Kulmiye loogaga guulaystay doorashadii Golaha Wakiillada iyo Deegaannada ee 31 May qabsoontay laakiin, jawaabteedu tahay in Xisbiga KULMIYE gudihiisu tartamayay.

Cabdillaahi Cukuse oo magaalada Hargeysa ku qabtay shir jaraa’id oo uu xukumadda ku ammaanay kagana difaacay eedihii ku aaddana loolankii shirguddoonka oo laaluush lagu eedeeyay Xukumadda waxa ay wariyeyaashu su’aalo ka waydiiyeen sababta Xisbi Xaakimka loogaga guulaystay shirguddoonka Wakiillada iyo Maayarrada magaalooyinka dalka waxaanu ku jawaabay.

“Afkaad iga qoryo-qoryaynaysan ee waxaan ka warwareegayay haddaan sheego xisbiga KULMIYE guuldarrada maba yaqaan; waa xisbiga kaliya ee laba jeer ku guulaystay madaxtooyada dalka, waa xisbiga kaliya ee laba jeer oo doorashada baarlamaanka la qabtay mar walba kaalinta labaad galay waxa doorkan dhacay ee aad fahmi kari la dihiin waxa weeye Kulmiye laftiisii uun baa tartamayay, kuwii shalay Kulmiye ka baxay iyo kuwii maanta Kulmiye joogay wax weyn oo kale may dhicin,” ayuu yidhi Mr Cukuse

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this