Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar Toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay meel ku dhaway xarunta Pentagon+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Weerar Toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay meel ku dhaway xarunta Pentagon+Sawirro

 

 Weerar toorey loo adeegsaday ayaa xalay ka dhacay meel ku dhaw xarunta Difaaca dowlada Mareykanka ee Pentagon, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Nin toorey ku hubeesnaa ayaa dil u geestay sargaal katirsanaa ciidamada booliiska dalka Mareykanka, waxaana isla goobta weerarkaasi ka dhacay ciidamada booliiska ku dileen ninkii weerarka fuliyay halka ruux kalana rasaasta ciidamada ku dhaawacmay.

Madaxa Hay’adda Badaadada Ciiddanka Pentagon-ka, Woodrow Kusse ayaa Warbaahinta u sheegay in Sarkaal boolis lagu weeraray DC Metro Bus oo qeyb ka ah Xarunta Transit-ka ee Waaxda Difaaca ee ee Pentagon.

Hay’adda dembi-baarista booliska Federalka Maraykanka ee FBI ayaa wada baaritaano ku aadan weerarkan toorey loo adeegsaday, lamana shaacin wali sababta keentay weerarkan lagu dilay sargaalka booliis.

Dalka Mareykanka ayaa si joogta ah waxaa uga dhaca weeraro kala duwan oo qaarkood salka ku hayaan naceyb halka kuwa kalana ay geestaan kooxo hubeesan oo fal dambiyeedyo gacanta kula jira.

pen-1-1024x557.jpgpen-2-1024x496.jpgpen-3-1024x514.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this