Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo war ka soo saaray muranka guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
5-2.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Guddiga doorashooyinka Xildhibaannada labada gole ee Gobollada Waqooyi, ayaa sheegay in xubnaha guddiga laga doonayo in ay ka madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada.

Eng. Rooble ayaa tilmaamay in masuuliyadda koowaad ee hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka ay isaga saaran tahay, isla markaana xubnaha guddigu ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey.

“Sida ku qoran wareegtadii la idinku soo magacaabay, waxaad ka madax bannaan tihiin cid kasta oo siyaasad ku jirta, sida uu qabo habraaca doorashada, waxaa la idin kaga fadhiyaa waajibaadkiina inaad u gudataan si daacad ah oo waafaqsan hufnaanta doorashada, wixii caqabad ah ee idinla soo gud-boonaadana waxaad ula soo laabanaysaan Ra’iisul Wasaaraha oo ah hoggaamiyaha doorashada”.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey kulamo lagu xalinayo khilaafaadka ka dhashay hoggaanka guddiyada doorashooyinka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland ula yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo war ka soo saaray muranka guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this