Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wakiillada Somaliland oo Guddoomiye Cusub Doortay, Xisbi Mucaarad ah ayaa helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha wakiillada Somaliland ayaa goordhow waxaa ay Guddoomiye cusub u doorteen Cabdirisaq Khaliif oo ka tirsan xisbiga Waddani.

Khaliif ayaa doorashada kadin afhayeen u noqon doona aqalka golaha wakiillada Somaliland 5-ta sano ee soo  socota.

Codbixin ka dhacday golaha, Cabdirisaq waxaa helay 42 cod halka ninka ay xukuumadda wadatay ee Faratoon uu helay 39 cod.

Inta aan la dooran Khaliif waxaa hoolka lagu dhaariyey xildhibaannada golaha wakiillada Somaliland oo gaaraya ilaa 81 xildhibaan.

Waxaa kale oo la doortay guddoomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this