Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Mursal ” Macallin Cabdi Joon Ku Soo Dhawoow Heegan”

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda Kubbadda Cagta Heegan Sports Club ayaa soo bandhigtay tababarihii hore kooxaha Raadsan,Horseed,Elman iyo Dekedda Cabdiweli Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) oo ka mid ah tababaryaasha ugu wanaagsan kubbadda cagta gudaha ,wuxuuna sanadiii lasoo dhaafay soo saaray ciyaartooy tayo wanaagsan oo qeyb ka ah Xulka Qaranka iyo kooxaha kala duwan ee kubbadda cagta ,waxaana si weyn naadiga ugu soo dhaweeyay Maamulka,Ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxda ,iyagoo sheegay in ay u rajaynayaan mustaqbal wanaagsan iyo guulo waaweyn sanadaha soo aadan.

229918571_383249933190033_62808737550174

“Soo dhawaaw Macallin Cabdi Joon, Heegan farxad ayay u tahay in ay ku hesho adag oo kale, waxaan kuu rajayanyaa guulo wacan iyo in aad kooxda gaarsiiso guulo waaweyn” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha kooxda ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Heegan Sports Club mudane Cabdiraxmaan Mursal.

229836800_383250993189927_47304045951988

Cabdi Joon oo horay ugu soo dheelay Xulka Qaranka iyo naadiga Elman ayaa ka mid ahaa ciyaartooydii tayada wanaagsaneyd ee kubbadda cagta, waxaan lixdii sanno ee la soo dhaafay oo guulo waaweyn gaarsiiyay kooxihii uu soo maamulayay, wuxuuna u qaaday tartamada kala duwan ee gudaha, balse wuxuu rajaynaa in kooxda Heegan u qaado horyaalka oo ugu danbeesay sanad ciyaareedka 2014.

229078811_383251133189913_45175661573434

“Waan ku faraxsanahay in aan ku biiro kooxda Heegan , waxaan u mahadcelinaynaa maamulka,ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxda sida wanaagsan ay ii soo dhaweeyeen, waxaan rajaynayaa in aan kooxda la gaaro guulo waaweyn sanadaha soo aadan ” ayuu Goobjoog Sports u sheegay tababaraha kooxda Heegan mudane Cabdiweli Maxamed Maxamuud.

229154327_383249803190046_83674102081573

Sidoo Kale Aqriso Wararka Ku Saabsan Cabdi Joon

Cabdullahi Faarax Daguur “ Tababare Cabdi Joon Wuxuu U Qalmaa Hogaaminta Xulka Qaranka Soomaaliya”

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this