Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Xaaf vs Qeybdiid

Recommended Posts

Dagaalka kursiga Aqalka Sare ee Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf oo meel adag gaaray

Xaaf-iyo-Qeybdiid-1.jpg

Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu dooran doona 8 xubnood oo Aqalka Sare ah.

Laba Kursi ayaa wata xamaasad iyo loolan aad u culus, mid kamid ah labadaas kursi waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Kursigaan waxaa laga leeyahay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo. Cabdi Qeybdiid oo hadda ku maqan jiidda dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ayaa mar kale u tartamaya kursigii uu ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhaafay.

Dhawaan waxaa kursigaan isna isku soo sharaxay hoggamiyihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kaasoo mudadii uu joogay Galmudug muddo xileedkiisa uga dhammaaday dagaalka Villa Somalia.

Xaaf wuxuu dhowr kulan la qaatay Xildhibaanada maamulka Galmudug, wuxuu shiriyey Beesha kursiga iska leh, wuxuuna musharaxnimadiisa u muujiyey si af iyo ficil labadaba ah, wuxuuna iska sii hormariyey farriin hanjabaad ah oo ku wajahan hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Xigasho

Share this post

Link to post
Share on other sites

Xaaf oo laga yaabo inuu u tanaasulo Qeybdiid iyo waxa uu dhaafsanayo

Mid ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee uusan weli ku dhawaaqin madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa waxaa ku tartamayo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo muddo 4 sano ah ku fadhiyey kursiga laga leeyahay Koonfurta Gaalkacyo iyo madaxweynihii hore ee Maamulkaas Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa dib u dhigay magacaabista liiska kursigaan oo la filayo in loo xiro Cabdi Qeybdiid, waxaana kursigaan ka taagan dood culus oo ka dhex jirto Beesha Sacad oo ah Beesha isla leh kursiga iyo madaxweyne Qoor Qoor.

Sida ay xogta ku heleyso Caasimada Online, waxaa socdo wada-hadal u dhaxeeyo madaxweynaha Galmudug iyo Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, waxayna wararka hoose sheegayaan  inay suuragal tahay in Xaaf lagu qanciyo inuu isaga haro tartanka kursiga.

Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa Xaaf usoo bandhigay in la siiyo mashruuca soo dajinta qaadka ee Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, sidoo kalana la siiyo lacag si uu isaga haro tartanka kursiga islamarkaana loo siiyo Cabdi Qeydiid.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo , madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa dalbaday in la siiyo lacag illaa 2 Malyan ah si uu isaga haro tartanka, balse waxaa arrintaas ku gacan seyray madaxweyne Qoor Qoor oo u sheegay inuusan hadda awoodin bixinta lacag intaas la eg balse uu isaga diyaar u yahay in lagu wareejiyo mashruuca soo dajinta qaadka ee Muqdisho la keeno.

Haddii Xaaf uu aqbalo qorshaha uu wado Qoor Qoor, waxaa hoos u dhici doonto cabsida laga qabay dhibaato ka dhalato kursiga maadaama uu Xaaf ku hanjabay inay dhibaato weyn dhici doonto haddii kursigaan loo xiro shakhsiyaad gaar ah, waxaana sidoo kale jiro musharax u taagan xilkaan balse aad ayey u yar tahay fursadda uu kursigaan kaga qaadan karo Cabdi Qeybdiid.

Sababta Xaaf looga cabsanayo in lagu soo daro dadka u tartamayo kursigan ayaa ah ilaa 3 qodob:

1- Inuu taageero weyn ku dhex leeyahay Baarlamaanka Galmudug
2- Beesha kursiga iska leh oo uu taageer xoog leh ka heysto.
3- Inuu yahay siyaasi diyaar u ah inuu lacag xoog leh ku bixiyo sidii uu kursigaas u heli lahaa.

Qeybdiid waxaa lagu eedeenayaa afartii sano ee lasoo dhaafay inuu kursiga ugu adeegay jufadiisa hoose marka la eego sida uu u maareeyey boosas shaqaaleysiin ah, saraakiil la dalacsiiyey iyo dad xilal loo magacaabay intaba.

Galmudug waxay hadda dagaal kula jirtaa Al-Shabaab, dagaalkaan wuxuu qarxay kadib markii kooxdaan qabsatay deegaan kamid ah kuwa ay dagto beesha iska leh kursiga ay ku tartamayaan Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf.

Marka la eego sida uu Cabdi Qeybdiid uga falceliyey dagaalkaas iyo shaqada uu qabtay waxaa macquul ah inay dhinaca kale ka daboosho hoos u dhicii ka dhashay sidii uu u maareeyey fursadihii ay Beesha ka heshay Dowladda Federaalka ah afartii sano ee lasoo dhaafay.

Xigasho

Share this post

Link to post
Share on other sites
Dalmar1   
7 minutes ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Xaaf does tanasuul

https://www.facebook.com/watch/?v=224354892927537

Share this post

Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Qoorqoor oo iska wareejiyey bixinta kursiga Xaaf iyo Qeybdiid

Ilo-wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uu iska wareejiyay go’aanka kursiga Beesha Sacad ee Aqalka Sare, oo loolan xooggan uu ka taagan yahay.

Kursigan ayaa waxaa u taagan Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, waana mid ka mid ah kuraasta ugu loolanka adag Aqalka Sare.

Wararka aan ka helayno Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf uu u sheegay Qoor Qoor in aan magaciisa laga reebi karin tartanka Aqalka Sare, waxayna taasi sababtay in Madaxweyne Qoor qQoor uu odayaasha beesha Sacad iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka dalbaday in lakala saaro labadaan masuul.

“Waxaa jiri doono shir ay yeelan doonaan odoyaasha iyo siyaasiinta beesha ***, waxaana filaynaa in uu ka qeybgeli doono Rooble waxaana filaynaa in halkaas go’aan looga gaaro kursiga,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

“Shaki kuma jiro in Qeybdiid heli doono kursigaan laakiin Xaaf waa lagu qasbanyahay in la qanciyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaankaan katirsan Baarlamaanka Galmudug islamarkaana la hadlay Caasimada Online.

Qoorqoor ayey si aad isugu dhow yihiin Qeybdiid, waxaana lagu warramaya inuu la doonayo kursiga, hase yeeshee sidoo kale uu ka walaacsan yahay rabashado ka dhaca Galmudug, haddii kursiga laga reebo Xaaf ayada oo aan la qancin.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.