Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad ka taqaanaa Jeneral  Ceydiid oo 25 sano ka hor maanta oo kale la dilay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxaad ka taqaanaa Jeneral  Ceydiid oo 25 sano ka hor maanta oo kale la dilay?

Maxamed Faarax Ceydiid wuxuu hoggaaminayay dagaalkii Muqdisho looga qabsaday maxamed Siyaad barre iyo midkii ciidamadii Qaramada Midoobeey ee 1993.
Maxamed Faarax Ceydiid wuxuu hoggaaminayay dagaalkii Muqdisho looga qabsaday maxamed Siyaad barre iyo midkii ciidamadii Qaramada Midoobeey ee 1993.

Waxaa maanta 25 sano laga joogaa markii uu dhintay Allaha u naxaristee janaraal Maxamed Faarax Ceydiid oo ka mid ah hogaamiye-kooxeedyadii Soomaaliya door weynna ku lahaa ololihii xukunka looga tuuray madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu ku dhintay magaalada Muqdisho 1-dii Agoosto sanadkii 1996.

Kumuu ahaa Ceydiid

Janaraal Maxamed Faarax Ceydiid waxaa uu bishii December ee sanaddii 1934 ku dhashay magaalada Gaalkacyo.

Janaraal Ceydiid waxaa uu wax ku soo bartay dalka Taliyaaniga iyo Ruushka.

Waxaa uu xilligii gumeysiga la soo shaqeeyay booliiskii Taliyaaniga oo uu ku biiray sanaddi 1952.

Janaraal Ceydiid ayaa markii dambe ku biiray ciidammada qalabka side ee Soomaaliya oo u ka gaaray ilaa darajada Janaraal.

Kuliyadda militariga ee Furunzi oo ku taallla magaalada Moscow ee dalka Ruushka ayuu sidoo kale culuum dheeraad ah oo dhanka militariga ah ku soo qaatay.

Sanaddii 1969, waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ka soo horjeeday afgembigii militari ee dalkaka dhacay.

Janaraal ayaa waxaa xabsiga u taxaabay dowlaaddii kacaanka ee uu hogaaminayay (AHU) Maxamed Siyaad Bare

Ceydiid ayaa xabsiga laga soo daayay sanaddii 1975.

Dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itobiya sanaddii 1977 ilaa 1978 waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ka qeyb gashay.

Janaraal Maxmed Faarax Ceydiid ayaa waxa uu sidoo kale mar noqday danjirihii Soomaaliya u fadhiyay dalka Hindiya.

Dagaalkii Jabhadaha

Janaraal Maxamed Faarax Ceydiid waxaa ka mid ahaa hogaamiyayaashii ka qeyb qaatay dumintii dowladda dhexe ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Waxaa uu sanadii 1991 noqday hogaamiyiihii jabhaddii USC. Jabhadaasi ayaa cidamadii dowladda kula dagaalamay magaalada Muqdisho ugu dambeyntiina halkaasi ka saaray.

 

Cali Mahdi (bidix) iyo Maxamed Faarax Caydiid
Cali Mahdi iyo Maxamed Faarax Caydiid

Dagalkii Cali Mahdi iyo Caydiid

Dabayaaqadii bishii January ee sanadkii 1991, Cali Mahdi waxaa madaxweyne ku meel gaar ah u doortay dad u badan xubnaha Jabhaddii United Somali Congress (USC) oo ka mid ahayd xoogaggii xukunka ka tuuray Maxamed Siyaad Bare.

Arintaas ayaa khilaaf ka dhex dhalisay jabhadda gudaheeda, oo waxaa madaxtinnimada Cali Mahdi diiday Jen Maxamed Faarax Caydiid oo isu arkayay hogaamiyaha garabka milateri ee USC.

khilaafka ayaa isu rogey dagaal kumanaaan shacab ah ay ku dhinteen kumannaan kale -na ay ku barakaceen.

Cilmi Faarax Webi waxa uu kamid ahaa xukuumaddii uu xilligaa dhisay Cali Mahdi, waxaana uu BBC-da uga warramay waxyaabihii dhaliyay khilaafkii Cali iyo Ceydiid.

“Dabkan khilaafka waxa keenay waa in Jeneraal Caydiid uusan ku qanacsaneyn qaabka wax loo dhigay, raggii kale ee siyaasiyiinta ahaana waxay u arkeen dalku inuusan gali karin xilli uusan xil Madaxweyne jirin oo ay khasab tahay in la sameeyo nin madax ah kaddibna wadahadal dib loo galo. Arrintaas waa la isku fahmi wayaay, Caydiidna ma uusan aqoonsanin dowladda waxaana billaabatay in Ciidamo la aruursado oo la kala shakiyo,” ayuu yidhi.

Caydiid waxa uu u arkayay in uu xaq u leeyahay hoggaanka maadaama uu ahaa nin askari ah oo soo dagaallamay, sida uu sheegay Webi.

Dagaal xooggan oo bilooyin socday ayaa ciidamo kala taabacsan Cali Mahdi iyo Ceydiid ku dhexmaray magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro ballaaran, iyo burbur baaxad leh.

 

Dagaalkii Ceydiid iyo Mareykanka

Sanddii 1992 – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go’aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidammo nabad ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanka.

Dabyaaqadii sanaddii, 1992 – Ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Howlgalkaasi uu Mareykanka hogaaminayay waxaa loogu magac daray “Hawlgalkii Rejo soo celinta”.

Sanaddii 1993 – waxaa dowladda Maraykanka ay hoggaaminta ciidamadii hawl galka ka wadey Soomaaliya ku wareejiyey Qaramada Midoobey.

Wax badanba kama soo wareegan markii khilaaf uu soo kala dhexgalay Janaraal ceydiid iyo ciidamadii shisheeye ee 35,000 ahaa ee dalka u tagay in ay nabadeeyaan.

Ceydiid wuxuu xilligaas haystay qaar ka mid ah goobihii muhiimka ahaa ee Muqdisho. Ka dib dhowr goobood oo uu Radiyow Muqdisho ka mid yahay ayey Mareylanku duqeeyeen.

Caradii ka dhalatay waxay sababtay in bishii June 1993, Taageerayaashii janeraal Caydid ay dagaal hubeysan kala hortagaan ciidanka Qaramada Midoobay. Weerar lagu qaaday ciidamadii Pakistan ee howlgalka qeybta ka ahaa, waxaa lagu dilay 24 askeri, illaa 60 kale ayaa la dhaawacay.

Qaramada Midoobay waxay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Janeraal Caydiid. Ciidanka Mareykanka ayaa gulufkaa colaadeed hoggaanka u qabtay.

3-dii October 1993, ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa howlgal militari ka fuliyay bartamaha koofurta Muqdisho. Xilligaas waxa ay heleen xog sheegaysay in jeneraal Caydiid uu madax sare kulan kula leeyahay hoteel Olombik ee waddada Howlwadaag.

Waxaa howlgalkaa ka qeyb qaatay 19 diyaaradood, 12 gaari, 160 askari oo xaruntooda uga baxay in ay howlgalka muddo 90 daqiiqo ah ku soo fuliyaan.

Waxayse soo noqdeen 17 saacadoo kaddib.

50 daqiiqo markii uu howlgalka socay, diyaaraddii ugu horraysay ee blackHawk ayaa la soo riday. 20 daqiiqdo kaddibnaa diyaaraddii labaad ayaa dhulka la soo dhigay.

Ciidanka howlgalka galay ayaa la hareereeyay, ciidaan dheeraad ah ayaa loo diray si loo soo badbaadiyo.

Wuxuu ahaa dagaal daba dheeraaday, oo habeenkii oo dhan socday, (illaa 06:30am xilliga Muqdisho).

Boqollaal Soomaali ah iyo 18 askeri oo Mareykan ah ayaa ku nafwaayay dagaalkaas. Qaar ayaa jidadka Muqdisho lagu jiidjiiday.

Dhacdada oo fajac ku noqotay Mareykanka waxay soo dedejisay in ay gebi ahaanba isaga baxeen dalka. Gargaarkii Bini’aadannimana gaabis ayaa ku yimi.

Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota wuxuu yiri: “In Soomaaliya oo dhibaato ay ku jirta dunidana ka jeesato, maxaa lagu macneyn karaa? Sow aragtida la yiraahdo, masuuliyad ayaa dunida ka saaran in ay dadka badbaadiso, mana beenoobeyso.”

Markii dambe dagaalkii muqdisho waxaa laga sameeyay filim la baxay “Black Hawk Down”.

Mareykanka waxay ku guuldareysteen in ay gacanta ku soo dhigaan janaraaal Maxamed Faarax Ceydiid.

Bishii March, 1994 – waxaa si rasmi ah loo soo afjaray hawlgalkii Maraykanku ka wadey Soomaaliya .

1 bishii August , 1996 – Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray, dagaal dhexmaray isaga iyo Cusmaan Caato.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this