Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo 7 Malyan oo Dollar ku dhisaysa jidadka burbursan

Recommended Posts

Deeq A.   
saxiix.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday Heshiiska Dayactirka Wadooyinka Puntland oo ku kacaya $7.4 Million oo ay bixinayso Dowladda Puntland.

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasaaradda Maaliyadda oo bixinayso Lacagta iyo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gadiidka oo fulinaysa.

Wasaaradaha wax  u kala saxiixay labada Wasiir ee Wasaaradahaasi Xasan Shire Cabdi iyo Axmed Bashiir Muuse iyadoo sidoo kale uu kulanka ka qeybgalay Wasiirka Qorsheynta Cabdiqafaar Xaange.

Wadooyinka la dayactirayo ayaa kala ah:

Juurile- Boosaaso

Qardho – Garoowe

Garoowe- Brita dheer

Garoowe-Falaryaale.

Qorshaha horumarinta kaabayasha dhaqaalaha wuxuu qeyb ka yahay siyaasada tayeynta iyo horumarinta Puntland, waxaana kharashka ku baxaya dhammaan dayactirka wadooyinka oo dhan $7.4 Million bixinaysa Dowladda Puntland.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo 7 Malyan oo Dollar ku dhisaysa jidadka burbursan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this