Che -Guevara

President Laftagareen delivered for his friend.

Recommended Posts

Senator-kii Labaad oo lagu doortay Baydhaba iyo wararkii ugu dambeeyay doorashada

 

Zamzam-iyo-Ayaan.jpg goordhoweyd magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed lagu doortay Kursigii labaad ee Aqalka Sare ee maamulkaas, taasi oo ay ku tartameen labo musharax oo dumar ah.

Kursiga 2-aad ee maanta doorashadiisa ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku tartamay Ayaan Aadan Cabdullaahi iyo Farxiyo Nuur Aadan, oo kamid ah musharaxiintii uu hore u shaaciyey madaxweyne Lafta-gareen.

Waxay guusha Kursigaas raacday Ayaan Aadan Cabdullaahi oo ayadu noqoneysa Senator-kii labaad ee laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed ee ku metelaya Aqalka Sare ee dalka.

Ayaan Aadan Cabdullaahi ayaa heshay 79 cod, halka Farxiyo Nuur ay heshay 8 cod oo keliya, sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa goor sii horeysay loo doortay Kursigii ugu horeeyay ee Aqalka Sare ee maamulkaas, kaasi oo ay ku guuleysatay Zamzam Ibrahim Cali oo ayadu horey u aheyd Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana markale difaacatay kursigeeda.

Waxaa haatan la guda-geli doonaa doorashada saddexda kursi ee kale ee la shaaciyey, taas oo isla maanta lagu qabanayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

And Qoorqoor seems might deliver, too:

Qoorqoor oo damacsan inuu siyaasiyiin miisaan culus ka reebo liiska Aqalka Sare

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa wajahaya culeys siyaasadeed aad u ballaaran oo ku aadan xulashadiisa musharaxiinta 8-da kursi ee Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha maamulka Galmudug uu ka fikirayo sidii uu liiska dadka Aqalka Sare u tartamaya uga reebi lahaa saddex Senator oo kala ah, Senator Abshir Bukhaari, oo ah guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, iyo Yuusuf Geelle Ugaas.

Saddexdan Senator ayaa ka mid ah xubnaha sida aadka ah u mucaaradsan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sidoo kale, wararka aan helnay ayaa sheegaya in madaxweyne Qoor Qoor ay suurtagal tahay in uusan ku soo darin Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Samsam Daahir, taasi oo ka dhigi karta inay kuraastooda waayaan shan ka mid ah sideedda Senator ee laga soo doorto Galmudug. 

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale tilmaamaysa in ay suurtagal tahay in uusan ku soo darin Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo loolan adag ugu jira inuu kursiga ka beddelo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Xaaf ayaa horey uga digay dagaal ka dhaca Galmudug, haddii Qoor Qoor uusan u caddaalad falin xubnaha loolanka ugu wada jira kuraasta baarlamaan.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

I do not think the Aqal sare is that important for the next election, it is only small fraction overall seats. Qoor Qoor will  cash it unlike the others so far. He will not do anything for loyalty without money.   85% of all members will not come back anyway. This will make more interesting for the  election and when they all come to Xamar, they will not have any loyalty what so ever. Each one will have four years to cash it. If a lot of money not coming from UAE, the game will be over the first round.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   
58 minutes ago, Duufaan said:

If a lot of money not coming from UAE, the game will be over the first round.

The latest news is C/rahman Shakuur, Khayre and even Shariif Ahmed are vying to be members of  parliament. Shariif might want to be in the chamber just in case if he loses.

That tells you something.

Share this post


Link to post
Share on other sites
On 8/3/2021 at 9:25 PM, galbeedi said:

The latest news is C/rahman Shakuur, Khayre and even Shariif Ahmed are vying to be members of  parliament. Shariif might want to be in the chamber just in case if he loses.

That tells you something.

Six months later, it happened:

He knows he can't win, so he wants to be a persistent critic from baarlamaanka after this xulasho la soo xushay. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.