Sign in to follow this  
Deeq A.

Saacadaha soo socdo oo la ogaan doono rajada Farmaajo ee xubnaha Aqalka Sare ee lagu dooranayo K/Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta ku meel gaarka ee Maamulka Koonfur Galbeed waxaa gaaray Wafdi ka socda guddiga hirgelinta doorashada heer federaal, iyadoo halkaasi ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas.

Wafdigaan guddiga doorashooyinka heer federal waxaa hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Mowliid Mataan.

Ujeedka ay halkaasi u tageen ayaa ah dar-dar galinta howlaha doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed, iyagoo sidoo kale halkaas ka bilaabi doono kulamo ay la yeelanayaan Odayaasha dhaqanka maamulkaasi iyo madax kale.

Baydhaba ayaa laga filayaa inay ka dhacdo doorashada Aqalka sare maalmaha soo socda, inta ka horeysa 5-ta bisha Ogoost, waxaana isha lagu hayaa saameyn la sheegay inuu doorashada ku leeyahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Saacadaha soo socdo ayaa la ogaan doonaa cidda awoodda ku yeelan doonto doorashada 8-da xubnood ee Aqalka sare kasoo gelaya Koonfur Galbeed, waxaana laga ogaan doonaa liiska Musharixiinta ee uu shaacin doono Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxwyenaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la aaminsan yahay inuu xiriir fiican kala dhaxeeyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa la sheegayaa inuu halkaasi ka heli doono xildhibaanno badan oo gacan ka siiya dib u doorashadiisa.

Waxaa la hadal hayaa in ugu yaraan mid ka mida kuraasta Aqalka Sare oo uu hadda ku fadhiyo senator Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ah xisbiga Himilo ee Sheekh Shariif uu qarka u saaran inuu meesha ka baxo, markii awood qeybsi ahaan loo wareejiyey jufo kale.

Koonfur Galbeed ayaa laga ogaan doonaa rajada madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi farmaajo uu ka qabo xildhibaanada aqalka sare ee kasoo bixi doono seddex maamul Goboleed ee lagu xagliyo inay isaga daacad u yihiin ee Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Jubbaland ayaa lagu garaacay kooxda Nabad iyo Nolol, waxaana laba kamid ah afartii xubnood ee la doortay ay yeelatay UPD halka labada kalana ay kala taageersan yihiin Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

The post Saacadaha soo socdo oo la ogaan doono rajada Farmaajo ee xubnaha Aqalka Sare ee lagu dooranayo K/Galbeed appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this